Ra’iisal wasaare Rooble oo ka qeyb galay salaadda janaasada meydka Agaasimihii Radio Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, mas’uuliyiin iyo dadweyne ayaa salaadda Janaasada kula tukaday masjidka Shuhada ee madaxtooyada meydka allaha u naxariistee  Agaasimihii Radio Muqdisho  Cabdicaziiz Maxamuud Guuleed Afrika oo ku geeriyooday qarax argagixisadu xalay la beegsadeen.

Sidoo kale, Alle ha u naxariisto meydka Agaasimihii Radio Muqdisho  Cabdicaziiz Maxamuud Guuleed Afrika ayaa maanta lagu aasay magaalada Muqdisho.

Alle ha u naxariistoo Cabdicasiis  wuxuu ahaa saxafi howlkar ah iyo halyey qaran oo dalkiisa, dadkiisa iyo diintiisaba ugu soo shaqeeyay si geesinimo iyo hagar la’aan ah.

Naxariistii janno Allaha ugu deeqo annagana samir iyo Iimaan Allaha naga siiyo.