Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa ka qayb-galay Bandhigga Guuleystayaasha Soomaaliyeed ee shirkadda Hormuud, kaas oo sanadkiisii shanaad la qabtay, iyada oo sanadkan diiradda lagu saaray horumarinta adeegyada caafimaadka dalka.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ayaa xusay in caafimaadku yahay aasaaska nolosha, horumarka dhaqaalaha iyo amniga bulshada, isaga oo tilmaamay in helitaanka adeeg caafimaad oo tayo leh, la awoodi karo, dhammaan shacabka gaara uu muhiim u yahay dhismaha bulsho caafimaad qabta iyo qaran horumar leh.
Mudane Jibriil ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay hirgelinta qorshayaasha Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee lagu horumarinayo nidaamka caafimaadka, abuurista fursadaha shaqo, soo jiidashada maalgashiga iyo ballaarinta caymiska caafimaadka qaranka.
Sidoo kale, wuxuu ku boorriyay ganacsatada Soomaaliyeed iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay inay maalgashi ku sameeyaan waaxda caafimaadka, isaga oo xusay in iskaashiga dowladda, ganacsatada, jaamacadaha iyo xirfadlayaasha caafimaadku uu muhiim u yahay wax ka qabashada caqabadaha jira iyo horumarinta adeegyada caafimaadka.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ayaa ugu dambayn bogaadiyay shirkadda Hormuud iyo dhammaan bahda caafimaadka ee ka shaqeynaya horumarinta adeegyada caafimaadka Soomaaliya, isaga oo ku baaqay in caafimaadka loo aqoonsado mudnaan qaran oo laf-dhabar u ah horumarka iyo isku-filnaanshaha dalka.






