Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane, Maxamed Xuseen Rooble ayaa cambaareeyey Qaraxii Argagixisadu ku beegsadeen Maqaaxi shaaha lagu cabo.
“Waxaan cambaareynayaa qaraxii maanta argagixisada Al-shabaab la beegsadeen maqaaxi ku taalla degmada Wadajir, kaas oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad aan waxba galabsan”.
Allaha u naxariisto intii dhimatay eheladoodiina samir Allaha ka siiyo inta dhaawacantayna Allaha u boogo dhayo.
Falkan bahalnimada ahi waxaa uu muujinayaa sida argagixisada Al-shabaab ay ugu qabaan daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed si aan kala sooc lahayn, taas oo khasab ka dhigeysa in aan isu kaashanno la dagaallanka argagixisada.
Source: Sonna