Ra’iisal wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta gaarey magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo si weyn loogusoo dhaweeyey.

Safarkaan oo ah kii ugu horeeyay ee Ra’iisal wasaaraha XFS ku baxayo tan iyo markii xilka loo magacaabay ayaa ujeedkiisa waxaa uu yahay, sidii loo xoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagaxisada ah ee al Shabaab oo deeegaano badan oo gobolka Hiiraan laga xureeyay.
Waxaa sido kale Ra’iisal wasaaraha xoojin doona ka warqabka xaalada nololeed ee bulshada ku nool gobolka asi, oo ay aabaarta saameysay, ayada oo Xukuumada Danqaran ay xoogga saareyso sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadka Soomaaliyeed ee abaaraha ay saameeyeen.
Ra’iisal wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Baledweyne ayado Garoonka ay ku sugayeen Madaxda Dowlad goboleedka Hirshabeelle oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen’qeybaha kala duwan ee bulshada masuuliyiin ka tirsan Dowlada federaalka iyo saraakiil ciidan.