Rafaadkii Khawaarijtu badday raxmad ayaa u bedeshay reer Raaga Ceele. (Warbixin)

Raage Ceele, waa magaalo ku fiican marti-soorka iyo soo dhoweynta, sida ka muuqata oraahda ah” Raaga Ceelaa la rogaa hee ma rabtaa rooti iyo caano”.

Magaaladan oo dhacda bartamaha degmooyinka Warshiikh, Jowhar iyo Cadale oo dhammaantood ka wada tirsan maamulka Hirshabeelle, waxay ahayd magaalo dhismeysa ka hor inta aysan qabsan Khawaarijta, balse waxay ka rideen indhaha muddo ay xoog ku haysteen.

Dhowr bilood ka hor, magaalada Raage Ceele waa ay adkeyd in la dayactiro  la dhiso guryaha sababo la xiriira in Khawaarijta Al-shabaab ay u diiday dadka deegaanka in ay dhistaan guryahooda, waxayna ku soo rogi jireen lacago ka badan mida ay ku dhisayaan.

“ Maanta qofkii guri dhiseyso ilaa ay fasax u soo jaraan ma aysan dhisan Karin, waxaa laga yaabaa allaabta ay guriga ka dhisaneyso in ay qof masaakiin tahoo dan yar ah oo qandal ka soo deynsatay ay leedahay si ayuuta ahaa kuu siinaa qofkaas ayay leeyihiin in ay u yimaadaan ama soo tuur ama guriga ma dhisaneysid, sidaas darteed dhismo la’aantaas waxaa hadda hooy la’aan u ah dad badan oo msaakiin ah oo gurigooda dhisan waayay,”  ayuu yiri guddoomiyaha degmada Raage Ceele.

Waayo jooga degmada waxay dib u heleen kullamadooda qaxwada subaxda hore oo ay isaga wareysan jireen xaaladaha deegaanka iyo guud ahaan dalka, waxayna warbaahinta qaranka oo booqatay uga warameen sida Khawaarijtu u diiday in ay dhisanto magaaladan.

“ Marka cisbitaalada iyo guryaha, saddex bil ka hor lama dhisin Karin, hal dhagax haddaad kor u qaado waxaa lagaa rabay boqol dollar,”.

“ Marba si waa, mar soddon dollar, mar labaatan dollar, mar konton dollar, calaa qof madaxaaga lagaaga rabaa, dhismo dhan lama soo xusuusan sidee u noolaan karaa ayay noqotay?, wax Xamar ayay u haadeen, wixii harayna nolosha ciriiri ku noqotay, waxayna arrinta hagaagtay oo nafis la helay markii la isku yimid oo Khawaarijta laga saaray deegaanka,’.

Qoys qoys iyo qof qof ayay Khawaarijtu lacagaha uga qaadayeen dadka degan degmada Raage Ceele sida uu sharaxayo guddoomiyaha degmadaas.

“ Dadka deegaanka waxaa laga tiring jiray ciyaalka, waxaa la dhihi jiray canug kasta lacag ka keen, canug kasta, qoys kasta iyo oday kasta oo nabadoon ah waxaa loo diri jiray inuu dadkiisa soo tiriyo, inuu canug kasta lacag ka bixiyo oo baad ah”.

Bilo ka hor, 100-km ka badan ayay dadka deegaanka u safri jireen si ay u helaan adeeg caafimaad, goobtaasina waxay ahayd Difaac ay ku jireen ciidamada oo isugu jira dadka deegaanka iyo kuwa qaranka.

Waxaana hadda socda dhismaha cisbitaal, sahli doona in ay dadka degmada Raaga Ceele iyo deegaannada ku haraareysan helaan adeeg caafimaad oo dhammeystiran, kaas oo aan horay halkaas uga jirin.