Radio Muqdisho oo baahinaya Barnaamijyo ku baxaya luqadda Talyaaniga.

Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa maanta oo sabti ah daah-furay Barnaamij ku baxaya Luqadda Talyaaniga oo laga sii deyn doono Radio Muqdisho.

Agaasimaha oo ka hadlayay xafladda furitaanka ayaa sheegay in si joogta ah Idaacadda Radio Muqdisho looga sii deyn doono barnaamij ku baxaya luqada Talyaaniga, sabtida maanta oo ah bilowga sanadka cusub ee 2022-ka.

“ Maanta oo sabti ah, sanadka cusubna uu bilow yahay, waxaan isugu nimid daah-furka Barmaanijka luqadda Talyaaniga oo luqadaha horay uga bixi jiray ah oo dib loo soo nooleeyay bur burkii ka dib, laga bilaabo maanta waxaanu ka sii deyn doonaa Radio Muqdisho Barnaamijyo ku baxaya  Luqadda Talyaaniga oo isugu jira warar iyo barnaamijyo,” ayuu yiri agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Soomaaliya mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale.

Agaasime waxeedyada wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska iyo howlwadeenada wasaaradda ayaa soo dhoweeyay tallaabadan lagu soo kordhiyay barnaamijka luqadda taliyaaniga ee ka baxaya Radio Muqdisho, waxayna tilmaameen in looga gol-leeyahay in lagu dardar geliyo shaqada baaxadle ee ay Wasaaraddu qaranka u hayso.