Ra’aysul Wasaare ku xigeenka labaad ee dalka oo qaatay kaarka diiwaangelinta doorashada

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Labaad Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa booqasho ku tagay degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, si uu u qaato kaarka diiwaangalinta doorashada qof iyo cod.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka, ayaa sheegay in degmada Hodan ay tahay degmada uu xaqa u leeyahay inuu ka codeeyo, isagoo xusay in ay Xukuumadda ay ka go’an tahay sidii loo hirgelin lahaa doorasho qof iyo cod ah.

Ra’iisul wasaare Jibriil, ayaa bogaadiyay howlwadeennada degmada Hodan oo ugu horeeyo guddoomiyaha iyo guud ahaan shaqaalaha oo sida qiimaha leh u soo dhaweeyay, waxaana shacabka Soomaaliyeed uu ugu baaqay in ay xuquuqdooda ka raadsadaan meelka kasta oo ay ka socto isdiiwaan-gelinta kaarka codbixinta.