R/Wasaaraha XFS oo Cambaareeyay qarax Al-Shabaab ay ka geysteen Muqdisho

Ra’iisul wasaaraha JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa manta cambaareeyey weerar kooxda Argagixisadda Al-shabaab ay ka geysteen Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.
“Waan cambaareynayaa weerarkii ay argagixisada Alshabaab saaka ka geysteen Muqdisho oo dhimasho iyo dhaawacba ay ka soo gaareen dad rayid ah oo ay ku jiraan arday,ayuu yiri R/wasaaraha XFS mudane Maxamed Xuseen Rooble.
R/wasaaraha ayaa falkaasi ku tlmaamay
mid bahalnimo oo caddeyn u ah sida kooxdan qalloocani ay ugu sii talax tageen daadinta dhiigga birimageydada si aan kala sooc lahayn.
R.wasaare Rooble,ayaa Ilaah uga baryay in uu u naxariisto dadkii wax ku noqday qaraxaasi,isagoo intii ku dhaawacantayna u rajeeyay caafimaad qab, wuxuuna sidoo kale eheladii kula dardaarmay samir iyo iimaan .