R/W Rooble “Waxaan rajeynayaa in Shirka Golaha Wadatashiga Qaran guul noogu soo dhammaado”

-Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xusseen Rooble, ayaa sheegay inuu rajeynayo in guul uu kusoo dhammaado shirka golaha wada-tashiga qaran ee la filayo inuu ka furmo magaaladda Muqdisho.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa xusay inay ka go’antahay fududeynta wax kasta oo guul u horseedi kara shirka, isaggoo siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahad celiyey taageerada ay u muujiyeen dadaalada uu wado, waxaana uu ka codsaday garab-istaag.