R/๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซe ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐š๐ฒ๐›๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐๐š๐š๐ฅ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐๐ฎ๐ฎ๐ ๐ ๐š ee ๐๐š๐š๐๐ข๐ ๐จ๐จ๐›๐ค๐ข๐ข ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐†๐ž๐ž๐ฌ๐ค๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐ค๐š

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xalay ka qaybgalay Baalfurka Buug ka hadlaya Baadigoobkii Nabadda Geeska Afrika oo lagu qabtay Muqdisho.

Buuggaan aya iftiiminaya dadaalladii kala dambeeyay ee lagu dhisaayey dowladnimada Soomaaliya ,xilliyadii burburka iyo marxaladihii kala duwanaa ee la soo maray.

Raโ€™iisul Wasaaraha, ayaa xusay in nabadda Soomaaliya ay saameyn ku leedahay guud ahaan gobolka Geeska Afrika, isaga oo tilmaamay in kala qeybinta Soomaaliya ay halis ku tahay amniga iyo xasilloonida Gobolka, loona baahanyahay in la adkeeyo midnimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Mudane Xamsa waxa uu tilmaamay in Buuggan oo ku qoran luuqadda Soomaaliga uu mudnaan u leyahay bulshooyinka gobolka isaga oo boorriyey ahmiyadda ay leedahay in Gobolka Geeska Afrika la gaarsiiyo Luuqadda Soomaaliga, ayna mudnaan gaar ah siiyaan si loo ilaaliyo Dhaqanka, Afka iyo Diinteenna

Raโ€™iisul Wasaaraha oo dhiirrigalinaya akhriska tagtadii shalay iyo taariikhihii kala duwanaa ee lasoo maray ayaa sheegay in bulshooyinka wax akhriya ay mar walba aragti fog kasii yeeshaan waxyaabaha kusoo socda, isaga oo u mahadceliyay Qoraaga Buugga Danjire Maxamed Cabdi Afey, oo dadaal ku bixiyey uruurinta iyo curintiisa muhiimka ah.

ย