QURBAJOOGTA OO GACAN WEYN KA GEYSTAY DIB U SOO KABASHADA DHAQAALAHA DALKA

Soomaalidu lagacaha ay dibedda dadka u jira ka helaan , ma u baahan yihiin in ay mashaariic shaqo abuur ka sameystaan? Dabcan haa way u baahan yihiin.

Nolosha dad badan oo ku nool dalka waxay ku tiirsan tahay lacago xawilaad ah oo ay ka helaan qaraabadooda ku nool dibeda oo ku soo taageera laakiin waxay dad waxaa la dhaliilaa qaabka dadka loo soo diro ay u isticmaalaan .

Faadumo Faarax Wehliye waxay ku nooshahay magaalada Muqdisho waxay qabtaa in aaney  jirin wax kale oo ay u isticmaali laheyd lacagtaa oo ah in ay nolosheeda ku dabarto iyadoo sheegtay in lacagta la so diraba ay iska yar tahay.

“ Marka horeba waxa laguu soo dirayo kama badna inta u dhaxeysa afka iyo gacanta oo iyadaaba iska yar” ayey tiri Faadumo.

Marka laga hadlayo dadka soo dira lacagahaa ee dibedda ku nool iyaga laftooda waxay qabaan in ay culeys ku tahay laakiin Maxamed Cabdi Cali oo ah aqoonyahan ku nool Muqdisho wuxuu qabaa in dadka gudaha ku nool ay tahay in ay fikir la yimaadaan oo aaney isku tiirin lacagahaa alse ay sameeyaan qorsheyaal kale .

Cismaan Yuusuf wuxuu ka mid yahay dadka ku tirrsan lacagahaa wuxuu qabaa in wax weyn lacagaahasi ay tareen dadka gudaha ku nool laakiin ay fiican tahay in dadka dibedda ku nool intii mar walba ay wax soo diri  lahaayeen ay ka fiican tahay in hal mar lacag kuusan oo waxtar leh ay soo diraan si ay u anfici karto looguna sameyn karo mashruuc fiican.

“Meesha bil walba qoyska loo soo dirayo boqol ama labo boqol oo Doolar waxaa ka wanaagsanaan laheyd in mar si isku duub ah loo siiyo lacag ay qoysku ka sameysan karaan mashruuc yar oo ganacsi oo isku deberaan” ayuuna yiri

Dadka lacagahaa hela laftooda ayaa laga rabaa in ay la yimaadaan fikrad waxtar leh iska na dhaafaan wax raadiska joogtada ah wuxuuna  Axmed Xuseeen Xasan oo hadda ka tirsan ganacsatada yar yare e suuqyada Muqdisho uu sheegay in uu shaqo abuurka ganacsi ee uu hadda heysto uu ka yimid walaalkii oo dibedda ku nool oo uu hal mar weydiistay in uu u maalgeliyo mashruucan ganacsi ee uu heysto.

W/Q: Mohamed Shiil