Boqollaal Qoys oo ka mid ah Dadka ay saameeyeen Abaaraha ee ku sugan Deegaanno hoostaga Magaalada Baydhabo ayaa helay Kaalmo Biyo dhaamin oo ay ku Deeqeen Dad Samofalayaal ah.
Biyo dhaamintaan oo socotay illaa Bishii Ramadaan waxaa ku deeqay Shariif Xamsa oo ah u qeybsamaha Arrimaha Diinta iyo Awqaafta ee Safaaradda Soomaaliya ku leedahay Dalka Koonfur Afrika.
Qoysas badan oo ku kala sugan Afar Xaafadood oo ay kamid tahay Bardaale ayaa maanta helay Deeq Biyo dhaamin ah,taas oo qeyb ka ah badbaadinta Boqollaal Qoys oo ku Barakacay Abaaraha ka jira Dalka,gaar ahaan Gobolka Baay.
Dowladda Soomaaliya,Hey’ado Samofal iyo qaar kamid ah Ganacsatada iyo Dadka jecel samaha ayaa bixiyay Gurmad isugu jiray Biyo dhaamin iyo Cunto siin,kuwaas oo loo sameeyay Qoysas badan oo ku kala sugan Caasimadda Dalka iyo Gobolada kale ee Dalka.

