Tan iyo burburkii, dalka waxaa isla joogay qof la dulmiyay iyo qof wax dulmiyay, dhammaan musiibooyinkii na soo marayna wax aan khasaaro iyo tuugsi ka ahayna lagama dhaxlin.
Haddaba, Qof dhega la’ iyo qori maan furan, aragnaye maxaa inoo dan ah?
Daruuf iyo dar xumo lagu riiqday wayna soo daashataye ma diidnaa dullinimo oo ma doonnaa dowladnimo?
Haddaan nahay bulsha weynta soomaaliyeed danteennu waxay ku jirtaa dowladnimo iyo kala dambeyn, dalku wuu degayaa, dadkuna waxbey helayaan waxna way baranayaan, deeqna Rabbi baa hayee u dhaqaaqa si kastaba ha ahaatee dowladnimada, waayo wax ka kheyr roon baan jirin.
Dalkeenna iyo dadkeenna, waxaa lagu xantaa inay yihiin kuwo Madax adag aan isxukumi Karin isla markaana aan rabin nidaam iyo kala dambeyn, kuwo fowdada qaska iyo qalaanqalka jecel.
Waxaa kaloo lagu xantaa inaan nahay yeey aan waxba garan, is-dila is-dhaca iyo dhammaan inta xun ee adduunyada ka faanto.
Sidoo kale, waxaa nalo yaqaanaa guri Ba’ay, Gurigii faqriga, Gurigii geerida, gurigii burcadda iyo balaayada, intaas oo dhan uma muuqdaan kuwa wax magaratada ah ee weligoodba soo taagan kana soo horjeeda nidaamka iyo dowladnimada.
Waxaa hubaal ah oo la ogyahay in ay jiraan dad aan rabin nidaam iyo dowladnimo, waayo iyagu dabkooda ayaa sidaas ku shidma, bulshadana wuu ka damaa wayna ku baaba’aan, oo waxaa soo baxa rag dibiryadu intaa la ikaatay, oo wax ay ka naxayaan aysan jirin.
Haddaba, Bulshadaan waxaa dan u ah nidaam iyo kala dambeyn, caddaalad iyo sinaan in wax loogu qeybiyo taasina waxaa laga heli karaa dowladnimada oo keliya.
Qori isku dhiibkii nidaamka dowladnimada ee ka soo billowday AUN Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ilaa maanta laga soo gaarsiiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo, waxaan garanay waxtarka iyo faa’iidada ay leedahay dowladnimada.
Waxay soo ahaataba, dowlad la’aan waxaa dhaanta dowlad xun laakiin kuu ilaalisa qarannimada iyo sharafka jiritaanka qori isku dhiibka dowladnimada.
Waa la arkaa dowlad xun waana la arkaa dowlad fiican, muhiimaddu waa in la adkeeyaa jiritaanka Gobannimada, Calanka, midnimada iyo wada jirka dalka.
Haddii lagaaro xilli kala guur ah sida hadda oo kale, waxaa loo baahan yahay in geedi socodka siyaasadda si miiran loo daadihiyo, aysan noqon anaa mudan iyo anaa kaa mudan.
Waa in garaad, cilmi iyo caqli lagu adeegto, geedigana lagu furo meel bulshadu raalli ka yihiin.
Shirka 3aad ee dhuusamareeb bulshadu waxay ka fileysaa guul, wixii intaas ka baxsanna waxaa lagu qiyaasaa in ay horseedi karaan waxaan haatan loo fadhin umadduna aysan jecleysan doonin.
Wixii la isku soo afgarto waxay doonaanba hanoqdeen ayay maslaxadda dalka ku jirtaa, in halkaas lagu kala dhaqaaqana iyadoo aan wax natiijo ah laga heyn waa dhibaato iyo musiibo ku soo korortay dalka, taasina waxaan ka magan galeynaa Allaah Subxaana Watacaalaa.
Waxaan rajo buuxda ka qabnaa in halkaasi nooga soo yeeraan wax laabta uroon bulshaduna ku faraxdo.
Madaxda halkaasi ku kulansanna waxaan ka codsaneynaa in aysan mar kale noo horseedin in uu dalka galo burbur iyo fowdo, dibna ay usoo noolaadaan ma gafayaasha ku adeegta Qoriga Madoow ee aan waxba reebin waxna aan xeerin.
Towfiiqdana Alle ha waafajiyo Madaxdeenna guud ahaan Mid muxaafid ah iyo mid mucaarad ahba, dalkana guul iyo barwaaqo aan gurin Inshaa Alaah.
WQ: Osman Dhiblaawe.