Alle ayaa ka nasahan ceeb iyo xumaan oo idil, wuxuu Alle naleeyahay Dadow ma jirto dhibaato idin kaaga dhacda naftiina, xoolihiina iyo adduunyadiina oo idil illaa waxaa sababay danbiyada aad Alle ka gasheen in badan oo danbiyadaas ka mid ahna Alle idin kuma ciqaabayo oo waa idiin dhaafayaa.
Marka walaalayaal dhibka iyo musiibooyinkaan caalamka ka jira waxaa sababay waa danbiyada bini’aadanka oo batay, muddo sodonka sano ah dhibaatooyin badan ayay dadka soomaaliyeed isku gaysteen oo danbiyo badan ayaa ka dhashay oo ay ka mid yihiin dagaallo dhexmaray dadkii Soomaaliyeed ee walaalaha ahaa.
Dagaalladaasi waxay sababeen in dadka layska dilo, xoolo la kala dhaco, guryo la kala xoogo .
Danbiyadaas ciqaabtii ka dhalatay waxay sababtay in labaatan sano ka dib dowladeenii inaysayn wali gaarin halkii la filayay oo ahayd inay dalka dhan gacanta ku dhigto, amniga dalka inay si buuxda u sukto, inay shaqo abuur u samayso dhallinyarada Soomaaliyeed, inay qayraadka dabiiciga ah ee dalka uu leeyahay soo saarto iyo qaar kale oo badan, waxaana intaasoo dhan sababay dunuubteenii aadka ubadneed ee aan dhexdeena kala galnay iyo mid aan Alle ka galnay.
Haddaba, walaalaayaal haddii aan Soomaali nahay dhibaatada nahaysata ma jirto dhibaato ka wayn haddii aad eekto qaraxyada dadka aadka u badani lagu xasuuqayo ee markasta dhacaya, qilaafka aan dhamaaneyn, qabyaaladda iyo masiibooyinka kale ee dabiiciga ah intaba waxaa sababaya dunuubteena oo badatay.
Haddaba, Xalku muxuu yahay?
Sidoo kale, Alle wuxuu leeyahay ku dheh Nabi Maxamadow {Nabadgaliyo iyo naxariis dushiisa ha ahaate} Dadka u towbad keenaana Alle, towbada wuu aqbalaaye.
Culimada islaamku waxay towbad keenka ku macneeyeen hadduu yahay danbi aad Alle ka gashay labo ayaa lagaa rabaa inaad danbigii faraha kala baxdo iyo inaad ka qoomamayso denbigii aad samaysay, haddii uu yahay danbigu midaad bini’aadam ka gashay waxaa lagaa rabaa qodob saddexaad oo ah inaad qofkii aad danbiga ka gashay ka codsato in uu ku cafiyo oo tiraahdo icafi walaal ama haddaad xoolo ka dhacday aad u celiso.
Haddii aan Towbadkeeno maxaa dhacaya?
Alle wuxuu leyahay haddii aad towbadkeentaan waxaan idiin di’inayaa roobab is-daba jooga ah oo ay ku oon baxaan xoolaha iyo duunyada kale oo dhan, waxaa kale oo inoo badinayaa awlaadda iyo maalka sidoo kale beero iyo wabiyo ayuu Alle nasiinayaa.
Haddii aan Soomaalinahay waxaa nahay dad walaalo ah oo isku isir ah, haddana xilligii burburka dagaal sokeeye ayaa na dhexmaray laakiin, hadda waxaa muuqata is-dhexgal iyo in dowladnimo loo bisil yahay waxaana aqriste habboon inaad iska cafiso hadduu qof kale dhibaato kuu gaystay ama haddii aad qof kale aad danbi ka gashay u tak intay goori goor tahay kaana dalbo cafis, haddii aad xoolo ka qaadatay u celi si aad ciqaab aakhiro iyo mid adduun aad uga badbaadid islamarkaana aad liibaan u heshid.
Alle waxaan ka baryaynaa inuu danbiyadeena dhaafo islamarkaana qalbiyada Umadda Soomaaliyeed isku furo dowladeenana dowlad awood leh oo shacabkeeda danihiisa ka shaqaysa ka yeelo Aamiin.
WQ: {Afar Indhood}