Dadka soomaaliyeed ayaa aad ugu ad adag diintooda islaamka waana dad boqolkiiba boqol muslimiin ah, soomaalida ayaa lagu amaanaa inaysan ka tagin dhaqankooda iyo diintooda marka ay tagaan wadamada reer galbeed, badanaa wadamada islmaaka ah ee kale ayaa lagu sheegaa dadkooda inay ka tagaan dhaqanka islaamka marka ay tagaan wadamada gaalada gaar ahaan gabdhaha oo xijaabka ka taga.
Dhanqanka soomaaliyeed waa mid ku salaysan diin, dadka soomaaliyeed waxay dhanqan u lee yihiin caruurtooda inay quraanka baraan, waa arin ay kasimanyihiin dadka soomaaliyeed in caruurta la baro quraanka isla markaa uu caruurku barto af soomaaliga.
Waxaa jira dugsi quraamo ku yaal magaalo kasta, tuulo kasta iyo goob kasta oo ay soomaalidu ku nool yihiin dalka gudihiisa xitaa marka ay dibadda u qaxeen ee dalku uu dagaalka sokeeye ka dhacay dadkiina uu wadamada shisheeye u qaxeen halkaas ayay dugsi quraamo kasameeyeen.
Qofkasta oo soomaali ah waa uu yaqaan kalaamka Eebe walow aysan isku heer ahayn dadka dhami, dadka qaar quraanka waa ay xifdisan yihiin, dadka qaar ma xifdisana dhamaan laakiin inbadan ayay ka yaqaanaan halka qaarkood ay ka yaqaanaan kaliya inta ay ku tukadaan, hase ahaatee majiro qof soomaali ah oo quraanka aan wax un ka aqoon.
Soomaalida ayaa ugu horeeya tira ahaan dadka quraanka xifdisan marka lala bar bardhigo dadka ku nool wadamada islaamka.
Mararka qaar dhaqanka dadka soomaaliyeed waa mid aad u cajiib ah marka aad fiiriso halka ay ka gaareen ad adayga dhanka diinta Islaamka, dadka soomaaliyeed dhamaan waxay aaminsan yihiin qofka haduusan muslim ahayn inuusan soomaali noqon Karin, soomaalida ayaa aaminsan soomaalinimadu inay tahay u dhalasho islamarkaana ay hal shuruud u raacsan tahay waana inuu muslim yahay.
Quraanku waa hadalkii Eebe ee naloogu soo dhiibay nabi Maxame nabad galiyo iyo naxariis dushiisa ha ahaartee.
Rasuulku waxaa uu inoo sheegay inay dadka ugu qayr badan yihiin qofka quraanka barta iyo kan dadka quraanka bara.
Quraanka waa kan ugu qayrka badan inta koonka taalla sababtoo ah waa kalaamka Allihii baruuray waxa koonka yaalla oo dhan, quraanka qofkii aqriya ajir ayuu leeyahay haduu macnaha fahmayo iyo haduusan fahmaynba rintaana ama fadligaa waa ku kaligii oo kitaabaha kale waxaa ajar looga helaa inaa taqaanid macnaha.
Haddaba, Soomaaliyeey waxaa nalooga baahan yahay inaa xoojino dhankaas wanaagsan ee diiniga ah oo ay Aabayaasheen nasoo gaarsiiyeen waxaana anagana lagu waajib ah inaan gaarsiino ubadkeena.
WQ: DALKA EDATORIAL