QISADII NABI HUUD (CS) IYO CANAADKII REER CAAD MAXAA XIGAY? (QEYBTA 1-AAD)

1- Nuux ka dib.

Ilaaheey ha barakeeyo Duriyaddii Nuux, Dhulka ayeyku faafeen,waxaana ka mid ah, Qoom la yiraahdo Caad. Haddaba reer Caad waxay ahaayeen Niman aad u waaweyn, xoog badan oo la moodo inuu jirkoodu ka sameysan yahay Xadiid (Bir), dhamaan dadkana weyka wada baqi jireen.

Ilaahay wuu barakeeyey Qoomka Caad, Xoolahooda waxay daaqi jireen Waadiga, caruurtoodana markey ku ciyaarayaan banaanka aad ayey u soo jiidan jireen Indhaha dadka oo ilaah ayaa qurux ku maneystay. Qoomkani dhulkooda wuxuu ahaa, dhul aad u qurux badan, oo cagaar ah, waxaana ku yaalay Jardiinooyin qurux badan.

Haddaba reer Caad, Nimcooyinkaas ilaahay uu siiyey kuma ayan shukrinin, oo wey iloobeen Qoomka Caad, Qisadii Duufaanta, oo ay ka maqleen waalidkooda, weyna iloobeen, sababta uu ilaahay Duufaantaasi ugu soo diray Qoomkii Nabi Nuux.

Qoomka Caad weli waxay caabudayaan Asnaamta, sidii ay qoomki Nuux, u caabudi jireen Asnaamta, weliba Asnaamta waxay ku sameyn jireen Gacmahooda, weyna u Sujuudi jireen, waxayna weydiisan jireen wixii ay rabaan, xoolana wey ugowrici jireen, waxayna ku socdeen waddadii ay ku hallaagsameen Qoomkii Nabi Nuux (cs).

2- Cadaalad darradii ree Caad:

Quwadda reer Caad waxay noqotay Kibir iyo Islaweeyni, maxaa yeelay ma ayan rumeynin ilaah iyo Maalinta Qiyaamo.

1- Maxaa ku qasbay Dulmiga?

2- Maxaa ku qasbay Cadaalad darada?

3- Maxay u dulmaan Dadka?

4- Maxayna uga baqaynin Xisaab iyo Ciqaab.

Reer Caad waxay la mid noqdeen Dugaagga Duur joogta ah, oo kan weyn midka ka yar dulmaayo ( oo kan weyn cunaayo kan ka quwad yar ), haday xanaaqaana waxay is moodijireen sida Maroodiga oo kale, haddii ay galaan Magaalo way fasahaadin jireen, oo waxay ahaayeen kuwo laga baqo Shartooda, Quwadoodana waxay noqotay mid laga argagaxo, waayo dhamaantood ilaah kama baqeynin, mana aamisaneyn Aakhiro iney jirto.

3- Qasrigii (guryihii) reer Caad.

Reer Caad wax kale kuma mashquuli jirin oo aan ka aheyn Cuntadooda, Cabitaankooda iyo Ciyaarahooda, qofba qofka kale wuxuu ugu faani jiray Dhismaha Gurigiisa, oo waxaa leysugu faani jiray guriba guriga ka dheer yahay ama guriba guriga ka qurux badan yahay. Hantidooda dhamaan waxay ku bixin jireen Dhismaha Guryaha, si uu midba midka kale ugu faano, oo ma jecleyn iney arkaan Dhul bannaan, dhulkii banaan ay arkaanna wey dhisi jireen.

Guryahooda waxay u dhisan jireen sidii iyagoo weligoodba deggenaanayo oo aanay dhimaneynin, oo Kibir iyo Faan ayey u dhisi jireen guryaha, dadka danyarta ahna ma heystaan waxay cunaan ama dhar ay xirtaan, oo xataa ma heystaan meel dhaxanta kaga gambadaan, reer Caadna waxaa jiray guryo aan la deggeneyn oo iska xiran, qof kasta oo arka iyaga iyo guryahoodaba waxuu durbadiiba dareemi jiray inay yihiin Qoom aan ilaah iyo maalinta qiyaamaha aan rumeysneyn.

4- Rasuulkii Huud.

Ilaahay raali kama aha inay addoomadiisa ay ku kufriyaan, mana jecla in dhulkiisa la fasahaadiyo, reer Caadna caqligooda wuxuu ku ekaa oo keliya:-

1- Maxaan Cunnaa ?

2- Maxaan cabnaa ?

3- Maxaan Xiranaa ?

4- Guryaheena noocee ayaan u dhisanaa ?

Haddaba, ilaahay wuxuu doonay inuu u soo diro reer Caad Rasuul, waxa uuna doonay inuu Rasuulkaasi uga dhigo mid iyaga ay yaqaanaan oo ay fahmayaan hadalkiisa, Rasuulkaasina wuxuu noqday Huud.

Huud wuxuu ku dhashay guri sharaf badan, wuxuuna kudhashay Caqli wanaagsan, wuxuuna ahaa qof Saalix ah.

5- Dacwadii Huud.

Huud wuu istaagay wuxuuna isugu yeeray Qoomkiisa, wuxuuna ku yiri :- Qoomkeygiyoow ilaah caabuda, ilaah kale ma jiro, Qoomkeygiyoow sidee u caabudaysaan dhagax, oo aydan u caabudeynin ilaahii Adduunkan soo abuuray? ilaahey wuxuu idiin siiyey jismi quwad leh, waana inaad caabudaan ilaahii Nimcadaas idiin siiyey, oo aadna cid kale ula shariik yeelin.

WD: Ibraahim Warsame