Haddana Huud isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri:- 1- ma aragteen Eey ka Cararaayo Sayidkiisii (qofkii lahaa) oo uu aadaayo qof kale? 2- ma aragteen Xayawaan caabudaayo Dhagax? 3- miyaadse aragteen Xayawaan u Sujuudaayo Dhagax?
Qoomkii reer Caad way ka xanaaqeen hadalkii Nabi Huud, ka dibna iyagoo isla hadlaaya ayey yiraahdeen:-
1- Huud muxuu sheegayaa ? 2- Huud muxuu naga rabaa ? 3- Anaga ma fahmeyno hadalkiisa.
Huud mar Labaad ayuu u yeeray Qoomkiisa, waxayna yiraahdeen:- Huud anaga waxaan kuu aragnaa qof dhunsan, waxaana kuu qaadanay qof beenloow ah. Huud ayaa wuxuu ugu jawaabay:-
Qoomkeygiyoow aniga ma dhunsani, balse waxaan ahay Rasuulkii ilaah, waxaa idin sheegayaa Risaaladii Rabbi, waxaana idiin ahay qof daacad ah.
6- Xikmaddii Huud.
Huud isagoo weli qoomkiisa u naseexeynaaya wuxuu yiri:- Qoomkeygiyoow aniga shalay waxaan ahaa walaalkiina iyo saaxiibkiina, sow ima taqaaniin? haddaba walaalaheygiyoow maxaad iiga cabsaneysaan oo iiga ordaysaan? aniga maalkiina wax ka nusqaamin maayo, waxna ma idiinka rabo, Ajirkeygana ilaah ayaan ka rabaa, Qoomkeygiyoow maxaad uga baqeysaan inaad ilaah Aamintaan? Wallaahi waxba ka nusqaami maayo Maalkiina, weliba haddaad ilaahay aamintaan waxaan shaki ku jirin inuu idiin barakoobaayo Maalkiina, ee Qoomkeygiyoow maxaad ula yaaban tihiin Risaaladeyda? ilaahayna dadka u lama hadlo qof qof, oo ilaahay Qoom kasta waxa uu u soo diraa Qof u naseexeeya, haddaba aniga ayuu i soo diray inaan idinla hadlo oo idiin Naseexeeyo.
7- Iimaankii Huud.
Qoomkii Reer Caad ma ayan helin jawaab ay uga jawaabaan hadalladii uu ku yiri Huud, markay garan waayeen wax ay ku hadlaan ayey yiraahdeen :- Ilaahyaasheena way ka xanaaqeen hadalkaaga ee Huud waxaad tahay qof jiran.
Huud wuxuu yiri :- Asnaamyaasha waa dhagax, waxna ma anfacaan, waxna ma maqlaan, mana hadli karaan, Wax kheyr ama Shar ahna idiinma hayaan, xataa idinka gacantiina kumajirto Sharta iyo kheyrka, anigana wax iima heysaan, mana aminaayo ilaahyaashiina, mana ka baqaayo, oo aniga Allaah keliya ayaan talo saartay, oo Allaah keliya ayaa gacantiisa wax ku jiraan, waxna ma dhacaan ilaa uu Allaah idmo, oo Allaah amarkiisa ayaa wax walba ay ku dhacaan.
WQ: Ibraahim Warsame
QISADII NABI HUUD