Qof kasta oo nool wuxuu galayaa qalad inta uu nool yahay mana jiro qof aan qaldamin hase yeeshee waxa lagu kala duwan yahay ayaa ah qirashada gefkaaga iyo in aad oggolaato in wixii kaa tagay ay ahaayeen gef aad geysatay u geyso shaqsi ama dad dhan oo jira.
Dadka soomaaliada ah waxay ku adag yihiin in ay yiraahdaan “waa ka xumahay waan gafay” waxaadna moodda in qaamuuska afka soomaaliga uusan ku jirin eraygaas oo dunida oo dhan wax weyn ka ah.
Mararka qaar waxaad arkeysaa siyaasi shalay gafay oo ummadda dhib iyo dhibaato u geystay oo hadana aad mooddo in uu illoobay ama aaney isaga ugu muuqan in uu gef agalay oo isu arkaya qof dalkan wax weyn u soo taray oo ku manno sheeganaya .
Haddii aad ogtahay in maalin uu aad dhibaato geysatay ma aha in aad hadana soo taagnaato oo aad hortimaado shacabkii aad ogeyd wixii gef ahaa ee aad ka gashay.
Soomaalida kuma keli aha arrintan oo inta badan qaaradda Afrika waxaa jira siyaasiyiin kuwaas oo aan daacad u aheyn dalalka au dhasheen oo gefefkii ay galeen iyagoo ay qoyan yihiin hadana isku tilmaamaya geesiyiin waxtaray dalalkooda.
Xukunka iyo awoodda waa isbedel iyo marba in qof la tijaabiyo taas oo ku imaaneysa hannaan dimoqraadi ah iyo codeyn qofku leeyahay ra’yigiisa iyo in uu xusho hoggaamiyaha uu doonayo laakiin maaha in ala siku dayo in qalalaase wax lagu raadiyo .
Ummadan wey daalan tahay inta yare e iftiinka ah ee ay heshayna ma aha in la isku dayo in mar kale mugdigii ay soo martay lagu celiyo taas oo aan marna dhaceynin.
Qofka wanaagsan waa kan is og waxa uu yahay oo aan u been sheegin naftiisa iyo dadkiisa waana in qofku awoodaa in uu dadka horyimaado oo qirto gefefkii iyo qaladaadkii uu galay taasi waxay qeyb ka tahay awoodda qofka iyo in ay sababto in mar kale laga cafin karo wixii uu ka dhacay.
W/Q: Maxamed Ibraahim Cabdi