Qoysku waa isha Bulshadu ay ka soo farcanto waana waajib in lagu dhiso sida saxda ah ee ay Diinteena Suubban qabto si loo helo Bulsho San oo ka Hufan xumaan taas oo dhabbada u xaaraysa in la helo Ubad kheyr qaba oo lagu barbaariyay Diinta Islaamka, Dhaqanka suubban ee Soomaaliyeed iyo Dal jaceel.
Baryahan Danbe waxaa soo badanayay inay Lammaaneyaashii isqabay ee la rabay inay Naxariis iyo Kalgaceyl ku wada noolaadaan oo ay ubad ku dhalaan ay iskula kacaan falal Lid ku ah Diinta, Dhaqanka, Cunfiga Aadanaha iyo tan Amniga Qaran taas oo keeni karta Amni darro iyo cadho Rabbi oo degdeg ah haddii aan la is daba qaban oo aan Alle loo laaban, lana marsiin Sharciga dadka ku kacaya falalkan foosha xun leh oo aan tallaabo adag la qaadin wuxuu horseedi karaa inay Fawdo ka dhalato iyo aarsi Qabiileed oo gacan ka hadal leh taas oo Khalkhal galin karta degganaanshaha iyo kala danbeynta aan hadda haysanno.
Waxaa hubaal ah inay Dowladdu waddo dadaal xoog leh oo lagu xakameynayo arrimahan ugubka ku ah Bulshadeena Soomaaliyeed una baahan in laga hortago laguna qabto gacan Bir ah si loo suuliyo dhaqankan xun iyadoo tusaale cad looga dhigayo dadka hadda ku eedeysan oo ay ka qaadi doonto tallaabo sharci ah marka ay ku caddaato Danbiga lagu soo eedeyay.
Maxaa u Sabab ah Falalkan Argagaxa leh ee ay iskula kacayaan Qoysaska Soomaliyeed ee Ugubka ah?
Arrimahan dhacaya waxaa sabab u ah Diin darro iyo iyadoo laga fogaaday Cibaadadii saxda ahayd ee Alle iyo Addoonkiisa isku xiraysay waayo Alle wuxuu inoo sheegay “Qofkii ka leexda Xuskeyga ama cibaadada saxda ah (Dikriga Alle) waxaan galin doonaa Nolal cidhiidhi ah.
Hanti kasta oo aad haysatid haddii aad ka leexadid Dikriga Alle Qalbigaaga waxaa ku furmayaa walwal (warwar) waxbana kuma qancin karaan oo ciriiri ayaad dareemaysaa had iyo jeer waayo xuska Alle ayaad ka fogaatay kadibna waxaa wahel kuu noqonaya Naf iyo Shaydaan oo inta Xun jacel kuuna diidaya dulqaadka iyo sama-falka.
Dhinaca kale arrimahan foosha xun waxaa sabab u ah Baraha Bulshada ee sida khaldan loo adeegsado oo wax lagu baahiya iyo Keebillada (Cables-ka) dalka ka hawl gala oo ay ku xiran yihiin Malaayiin Qoysas Soomaali ah iyo Dhallinyaro fara badan oo kala socda Musalsalaadyada la soo turjumay oo aan u adeegeyn danta Diinta, Dhaqanka iyo Dadka Soomaaliyeed oo lid ku ah.
Tusaale: waxaad arkaysaa nin dumaashidiis damcaya oo jaclaanaya kadibna walaalkiis mishimaya si uu u helo dumaashidiis ama u dumaalo, sidoo kale waxaad arkaysaa Rag waa weyn oo caruur intay kufsadaan kadibna dilaya iyo kuwo waalidkii dhalay Af-lagaadeenaya ……. Iwm.
Dhinaca kale waxaad Baraha Bulshadana ku arkysaa qaar ijaafeysanaya Marwo la qabo oo dhahaya nin hebel ayey la baxdaa ama ay gogol dhaaf la sameysaa amase nin hebel ayaa aweeney uusan qabin la tumayay taas oo ah Been abuur cad … iwm
Haddaba, waxaan ku talin lahaa in Mas’uuliyad wadareed la isa saaro oo Bulshada waxaa loo tabinayo aad looga fiirsado si loo badbaadiyo Diinteenna, Dhaqankeenna iyo Jiritaankeena umadnimo waayo haddii aan sidan ku sii soconno Alle ayaa nagu diridi doona Cadaab Adduun oo aad u daran, waa inaan ku tusaale qaadannaa wixii horey ina soo maray oo aan ka Towbad keenaa.
Gunaanadka Qormadeydan waxaan Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta kula talinayaa inay sameyso Guddi Culumo ah oo la yiraah “Al-Nahyi Canil Munkar” oo Bulshada ka wacdiya arrimaha taagan ee u baahan in looga digo iyo inay faraan kheyrka oo Muxaadarooyin lagu qabto goobaha ay Bulshadu isugu timaado maalmaha Fasaxa ah sida Liido, Daljirka Daahsoon …… iwm oo aan lagu koobnaan Masaajiddada sidoo kale haddii aan la helin Garsoor caadil ah oo lagu kalsoonaan karo iyaduna waxey horseedi kartaa in la kala aamin baxo oo ay dadku sharciga gacantooda ku qaataan ama si khaldan looga faa’ideysto.
WQ: S.S. SHABEEL
DHAMMAAD