Qeybta 2-aad ee qormada waxaynu ka soo hadalnay dhirta dhaadheer ee aan qodaxda lahayn, qeybtanna waxayna ku faaffaahin doonaa kuwa loo yaqaan “geed-gaabka”.
1) JALEEFAN: waa Geed gaab qodax leh oo cadaadka la bah ah, xabag cad oo la cunona leh.
2)JEERIN: waa Geed gaab qodxa qarqaroofan leh oo miro mooska u eg oo iniintooda la cuno iyo xabag macaan leh.
3) GUMAR: waa Geed gaab mayrax, xabag, iyo miro leh oo dhirta daawada ah kamid ah.
4) DHIRINDHIR: waa Geed quwaax raxanreebka la bah ah oo leh qodxo dhaadheer oo dhumuc leh, iyo dheecaan sida koollada dhegdheg u leh.
5) RAXANREEB: waa Geed quwaax gaaban oo leh qodxo dhaadheer oo xooggan, xanjo, iyo diir cad.
6) DHIIGTAAR: waa Geed gaab laan laan u baxa oo ula wax lagu dhisto laga goosto, qodxihiisuna ay kurtummo leeyihiin.
9) SALEEMAC:waa geed gaab leh caleemo jiljilicsan oo aan jebin iyo qodxo yaryar•
10) Adaahi/Haan-dhurwaa: waa Geed gaab sal weyn oo wada buruq ah iyo laamo yaryaroo dhuudhuuban leh•
11) Mareer: waa Geed aan qodxa lahayn oo miro cas-cas oo macaan, iyo caleemo yaryar iyo ulo toos toosan leh oo uu geelu aad u jecelyahay.
12) Deelaal: waa Geed mareerka u eg balse caleemo waa caleemo waaweyn oo dhulka deexda u dhaw ka baxa.
13) Caday: waa Geed abaareed laamihiisa ama xididkiisa ilkaha lagu cadaydo, oo leh miro yaryar oo gudguduudan , aadna u macaan oo la cuno.
14) Jinow: waa Geed quwaax dheer oo cufan, caleemo dhanaan oo la cunona leh.
15) Deeqlay: waa Geed aan qodax lahayn oo dhacaan guduudan leh.
WQ: Abwaan Hareeri