QEEXIDDA MUSUQ-MAASUQA

Waa howlo si hoose ah oo aan daahfurnayn ay u fuliyaan shakhsiyaad ka shaqeeya xafiisyada dowladda iyaga oo markaasi xil ka haya, sida maamulayaasha, masuuliyiinta xukuumadda iyo wixii la mid ah si ay markaasi u gaaraan ama u helaan hanti qaas ah, waxaana ka mid ah muuqaalada musuqmaasuqa aqbalida qaadashada laaluushka, haddiyado aaan munaasib ahayn, habdhaqan siyaasadeed oo aan qaanuunka meel kaga oolin, qish iyo dhagar, ku shubashada ama kala farsamaynta natiijooyinka doorashooyinka, hanti kala xawilid, beer abuur iyo lacag dhaqid.

Noocyada Musuqmaamusuqa

Howlaha iyo noocyada musuqmaasuqa  aad ayey u badan yihiin waa howlo aan akhlaaqi ahayn sida handadaad, laaluush, ina adeerso, qabyaalad, xatooyo iyo wixii la mid ah, hayeeshee si guud marka loo eego musuqmaasuqa waxaa loo qeybiyaa laba qeybood oo waaweyn, waxaana ka mid ah :

  1. Musuqmaasuq xajmigiisu yar yahay : midkan saameyntiisu aad ayuu u yar yahay mana ka dhex muuqanayo guud ahaan waddanka, waxaana loo adeegsadaa lacag aan sidaa u badnayn oo yar ama waxaa inta badan adeegsada dad aan saameyn weyn ku dhex lahayn waddanka, hayeeshee waxaa suuragal ah inuu weynaao marka dambe dabadeedna uu keeno mashaakilo aad u baaxad weyn, waxaana ka mid ah bixin lacag aan xaq loo lahayn si loo helo kuraasta waxbarashada ama dalacsiin shaqo oo deg deg ah markii ay go’aan ay maxkamadi soo saarto lagu qanacsanaan waayo oo haddana la aado garsoore kale si uu u buriyo go’aankii maxkamadda ee hore.
  2. Musuqmaasuq Xajmigiisu Weyn Yahay : waa masuqmaasuq ku reebaya waddanka saameyn baaxad weyn oo silbi ah oo muddo badan qaadanaya, middaasi oo la kala musuqmaasuqayo hanti aad u tira badan, inta badan musuqmaasuqan ayaa waxaa ku dhaqma qof masuul ah oo mansab sare ka haya waddanka, waxaana ka mid ah in lacago la lunsado middaasi oo hadafka laga leeyahay uu ahaa abuuridda mashaariic u adeegaya danaha guud ee ummadda ama in lacago gaar ah oo loo siyaadiyo kuwa dejiya qaanuunka iyo shaqaale dowladeed oo gaar ah si loo sharciyeeyo qaanuun u adeegaya maslaxada qof cayiman ama koox ama bixinta lacago dad gaar ah oo shaqaalaha ka mid ah oo aan lahayn khibrad iyo aqoon toona, iyo qaabilaadda mashaariic aan wanaagsanayn ama wax qarash oo badan ku baxaynin iyo wixii la mid ah.

Sababaha keena musuqmaasuqa

Halkaan waxaan idinku soo gudbinaynaa qaar ka mid ah sababaha keena musuqmaasuqa, waxaana ka soo qaadanaynaa dhowr qodob :

  • Damac shaqsi : qofka isnaanka ahi waxa uu leeyahay waxyaaba riixaya oo fidri ahaan ugu beeran middaasi oo ah lahaansho, micnaha waxwalba uu gacanta ugu jiro. Tanina mararka qaar waxay ka mid tahay sababaha keena musuqmaasuqa, waxaana u badan middan dadka haya masuuliyadaha sare sida madaxda ama masuuliyiinta lacagaha maamula ee ugu sarreysa iyaga oo markaasi lahayn ama jirin xudduud akhlaaqeed ee celinaya.
  • Hoos u dhac ku yimaada dareenka waddaniyadeed iyo akhlaaqeed ee masuulka, taana waxaa sabab u noqon karta aqoonyarida qofka ama uu soo qaatay aqoon heerkeedu hooseyso oo silbi ah oo uu soo maray masuullka madaxda ah.
  • Wacyiga dadka oo hooseeya ama aysan jirin geesinimo ay dadka ku waajahaan masuulka madaxda ah ee musuqmaasuqaya xoolaha ama dadka wax musuqmaasuqaya, waxay indhahooda ka laabanayaan ama ay ka aamusayaan ka hadalka musuqmaasuqa, middaana waxay dhiirigelinaysaa in masuuliyiinta si joogta ah wax u musuqmaasuqaan weliba si weyn.
  • In ay jirto bii’ad ama dhaqan cayiman oo dhiirigeliya musuqmaasuqa waxaad arkaysaa dad ku dhiirigelinaya masuuliyiintooda in ay musuqmaasuq sameeyaan iyaga oo halkaasi ka eeganaya dano gaar ah ama maslaxad shaqsi ah, tanina waxa ay ka mid tahay waxyaabaha sababa oo inta badan dhiirgeliya musuqmaasuqa.
  • Jiritaan la’aan qaanuun iyo sharciyo ka hortagaya musuqmaasuqa middan ayaa waxay keenaysaa in lagu dhiirado weliba si bareer ah in wax la musuqmaasuqo, middaana waxay horseedaysaa in ay bataan oo ay meel kasta ku faafaan musuqmaasuqiistayaasha, nidaamka garsoorka oo daciif noqdo meelaha qaar iyo carqalad ku timaada nidaamka caddaaladda.
  • Iyada oo ay yar tahay ama jirinba heerar akhlaaqeed ee dhanka dalacsiinta ah, sidaa darteed marka dadka qaar la dalacsiinayo waxaa loo dalacsiiyaa si aan daahfurnayn oo aan hufnayn. .

Qaababka Loola Dagaalamo Musuqmaasuqa

Si meesha looga saaro muuqaalada musuqmaasuqa waxaa waajib ku ah mujtamaca qeybahiisa kala duwan in siyaaba kala duwan loola dagaalamo musuqmaasuqa, sida ku dhaqanka diinta, iyo akhlaaqda suuban, waddaniyadda, iyo insaaniyadda. Qaababka lagu xakameyn karo masuqmaasuqa ayaa waxaa ka mid ah :

  1. Waan la sameeya nidaam sharciyeysan oo hufan oo la dagaalama musuqmaasuqa lana waadixiyo, lana dejiyi ciqaab iyo ganaax uu mutaysanayo qofka ku dhaqma musuqmaasuqa iyo waxyaabaha la midka ah.
  2. In bulshada laga wacyigeliyo khatarta ay leedahay musuqmaasuqa iyo saameynta uu ku yeelan karo mujtamaca dhexdiisa, oo la horumariyo doorka mujtamaca ee la dagaalanka musuqmaasuqa iyo in la tirtiro.
  3. In abaalmarin maaliyadeed loo gaar yeelo si loogu abaal mariyo cidii soo sheegta cida ku dhaqmaysa musuqmaasuqa ee laamaha kala duwan ee dowladda.
  4. In la dejiyo cuquubaad munaasib ah oo joojinaysa nooc kasta oo musuqmaasuq ah si aan mar kale loogu dhiiran, iyada oo shuruud looga dhigayo in qof kasta oo musuqmaasuq ku dhaqaaqa loo soo bandhigaya mujtamaca hortiisa si cibra ugu noqoto inta kale.
  5. Dadka muwaadiniinta ah in loo abuuro fursado shaqo si uu qofka u helo shaqo munaasib u ah oo uu ka shaqeysto, sidaa darteed in kor loo qaado hagaajinta duruufaha nololeed ee ay dadka ku nool yihiin.
  6. Hourmarinta halabuurka iyo kor u qaadidda awoodaha shaqaalaha iyo abaalmarintooda.
  7. In la qabto nadwooyin diini ah iyo wacyigelin oo laga sameynayo laamaha dowladda, iskuulada, jaamacadaha, telefishanada, raadiyayaasha iyo wixii la mid ah oo lagu dhiirigelinayo muwaaddiniinta si loogu takhaluso musuqmaasuqa xididaystay.
  8. In la dhiso guddi ka shaqeeya arrimaha hagaajinta maamulka, in la derso waaqaca maamul ee jira, iyo qaabka loola dagaalamayo musuqmaasuqiistaha marka la ogaado.
  9. In la cayimo hoggaamiyayaal dhallinyaro ah oo firfircoon oo markaasi aaminsan horumarka iyo isbeddelka, lehna aqoon ku filan, khibrad wanaagsan iyo u diyaarsanaan shaqada uu qabanayo.
  10. Iyo in booska munaasibka ah loo dhiibo qof ku munaasib ah.

W/Q: Saalax Shire Shabeel