Qasaaraha dabkii ka kacay Algeria oo korodhay

Ugu yaraan dad gaaraya 42 qof oo 25 ka mid ah ay yihiin ciidamada dalkaasi ayaa geeriyooday, kaddib markii qeybo ka mid ah dalka Algeria uu ka kacay dab baaxadwayn oo baabi’iyay hanta aad u badan.

Madaxweynaha dalka Aljeria Abdelmadjid Tebboune, ayaa sheegay in boqolaal dad ah laga soo badbaadiyay halkii uu dabka aka kacay.

Dabkan ayaa ku faafay goobo horleh, waxaana dadaal farabadan bixiyayay Ciidamada dam-demiska dalka Aljeria, wallow la rumeeysanyahay in qasaaraha uu intaa ka badanyahay.