Qaramada midoobay oo warbixin kasoo saaratay Dagaalka Ukraine iyo Ruushka

Guddida barista ee Qaramada midoobay u xil saaratay barista dambiyadda dagaal ee dhacay intii uu socday dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa soo saara warbixin sheegaysa in ay dhaceen dambiyo dagaal kuwaas oo ka mid yihiin isticmaalka hubka madnuuca ah,weeraro aan loom eel dayin iyo jirdil loo geystay dad rayid ah,dhacdooyinka ayey warbixintu ku xustay in ay dhaceen ilaa bishii Febraayo sida ay sheegeen Gudidda barista.

Guddiga ayaa warbixinta  u soo bandhigay golaha xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo madax Gudidda Erik Mose ayaa sheegay in natiijooyinka ay ku saleysan yihiin baaritaanno laga sameeyay gobollada Kyiv, Chernihiv, Kharkiv, iyo Sumy.

Waxay ay dhinaca kale  diiwaangeliyeen kiisas ah in carruur la kufsaday qaarna la jirdilay sidoo kalena si sharci darro ah loo xiray Carruur, Guddiga ayaa sheegay in ay booqdeen guud ahaan 27 magaalo iyo degaan, waxayna wareysteen in ka badan 150 dhibanayaal iyo markhaatiyaal isugu jira.

Sida laga soo xigtay tirooyinka ugu dambeeyay ee Xafiiska Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay, waxaa Ukraine lagu dilay 14,532 rayid ah.