Qaramada Midoobay oo Maanta ka shiraya xaaladda Soomaaliya

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta lagu wadaa in ay kulan ka yeeshaan xaaladaha ka jira Soomaaliya, gaar ahaan Amniga iyo Abaaraha oo ah labada shay ee maanta uu dalka Soomaaliya la daala dhacayo.

Kulan ayaa la filayaa in warbixin la xariirta xaalada Soomaaliya looga dhageeysan doonaa Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya James Swan iyo qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya, kuwaas oo sanad walba shirarka looga hadlo arrimaha Soomaaliya ka qeyb gala.

Shirkan ayaa diiradda lagu saari doonaa Arrimaha la xiriira Ammaanka, Abaaraha iyo dhibaatooyinka kale ee xilligaan kajira dalka Soomaaliya, iyada oo madaxda ay siweyn uga doodi doonaan xaaladaha kajira Soomaaliya iyo sida looga gudbi karo.

Kulanka oo la filayo in uu qabsoomo Gelinka dambe ee maanta ayaa la rajeynayaa in ay kasoo baxaan go’aano wax ku ool ah, kuwaasoo waxtar u leh Dowladda iyo Shacabka soomaaliyeed ee ay ku habsadeen Abaaraha iyo Amni darrada saameeyey inta badan gobolada dalka.