Qaramada midoobay” 350,000 oo carruur Soomaaliyeed ah ayaa qarka u saaran macaluul”

Xafiiska xiriirka bini’aadan-nimada Qaramada Midoobay ee OCHA ayaa ka digay in 350,000 caruur ah oo ku nool Soomaaliya ay halis ugu jiraan inay u dhintaan macaluul, taasoo ay sababeen abaaro ka dhashay isbeddelka cimillada.

Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa ayaa intaa ku dartay in sanado is xig-xiga ay abaartu waxyeelleysay dadka, haddii aysan dunidu u fidin gargaarna ay dhici karto macaluul.

Adam Abdelmoula oo ka tirsan Xafiiska Xiriirinta Arrimaha Bani’aadamnimada ee Qaramada midoobay OCHA ayaa sheegay in xilligan 1.4 milyan oo carruur ah da’dooduna ka hooseyso 5 sano ay hayso nafaqo darro ba’an, haddii aan la gargaarinna la saadaalinayo in 350,000 oo ka mid ah ay u geeriyoodaan.

Adam Abdelmoula ayaa ugu dambayn yiri “waxaan ugu baaqayaa dhammaan inta awoodda u leh inay wax ku biiriyaan, oo ay ku jiraan qurba-joogta Soomaaliyeed, ganacsatada, deeq-bixiyayaasha iyo qof walba oo awooda inuu wax ka qabto xaaladda taagan.