Xab-xabka ama qaruhu dhadhan ahaan waa mid macaan, Waxa ku jirta oo keliya 49 kaalori, iyo faytamiino Sida Faytamiin A, B Iyo C, Waxa kale oo ku jira Macdano ay ka mid yihiin Potassium iyo Megnisuin.
Faytamiin C, wuxu ka hortaaga dhaawaca unugyada ee ay sababaan free radicals ku.
Carotenoids Waxa loo badalaa Faytamiin A oo u wanaagsan indhaha kana caawisa araga.
Lycopene, waxay leedahay faa’iidooyin caafimaad oo badan, waxay ka hortagtaa falaadhaha cadceeda, kanserka, waxay u roon tahay caafimaadka wadnaha.
Faa’iidooyinka xab xabka waxaa ka mid ah:
1: Waxa uu ka hortaga faalliga : Xab-xabku waxa uu ka kooban yahay walxo ka hortaga waxyaabaha jidhka dibada kaga yimaado ee dhibta keeni kara. Waxyaabaha ugu muhiimsan ee ku jira waxa ka mid ah (Antioxidant Lycopene) oo inta badan laga helo jiidhka cas ee xab-xabka iyo tamaandhada qaydhinka ah.
Qofka cuna cuntada ay ku badan tahay maadada Lycopene waxa uu ka badbaadaa in faalig ku dhaco 20%. Daraasad caafimaad ayaa iftiimisay dadka ay ku badan tahay Lycopene ay 55% ay ku yar tahay fursadda uu ugu dhici karo waax-qallalka (faalliga), marka loo eego dadka aan maadadan jidhkooda ku jirin amma aan quudan cunto ay ku jirto.
“Maadada Lycopene waxa ay kor u qaada in dhiiggu si fiican u dhex socdo dhuumaha, waxaanay qofka ka ilaalisa in xaydhu daboosho dhuumaha dhiigga qaada,” ayuu yidhi Dr. Sam Christie oo ah khabiir nafaqada ku takhasusay.
2: Hargabka iyo Kansarka : Maadaama aynu sheegnay in xab-xabka ay ku jirto maadada Lycopene oo masuul ka ah carinta hab-dhiska difaaca, waxa ay u saamaxdaa qofka in aannu hargabku si fudud ugu dhicin xilliyada xagaaga amma qaboobuhu jiro.
Cilmi-baadhisyo tiro badan oo la sameeyey ayaa soo jeediyey in xab-xabku ka hortago unugyada kansarka dhaliya, maadaama maadadan awoodda badan ku jirto, taasoo meesha ka saarta waxyaabaha qalaad ee unugyada jidhka dibadda ka soo weerara sida Dr. Sam Christie caddeeyey.
Daraasad lagu tijaabiyey maadada Lycopene ayaa muujisay in kansarka naasaha ku dhaca ay ka hortagto. Waxa uu khudaarta kale kaga fiican yahay waxa uu muddo maalmo ah ku jiri kara tallaajadda, iyadoo aan madada faa’iidada caafimaadka u leh aanay hoos uga dhicin.
3: Xannuunada Muruqyada:
Haddii muruq xannuun amma muruq ku galo shaqo badan marka aad qabato ama aad jimicsato ama kombuyuutarkaaga aad in badan dul fadhido waxa khubarada caafimaadka dadka u soo jeediyaan in qofku jeex xab xab ah uu cuno. Xab-xabka waxa ku badan macdanta botasiyamka (Potassium), taasoo qofka ka caawisa in ay degaan neerfaha iyo muruqyadu.
Waxa intaa dheer in botasiyamku ay jidhka ka caawiso inuu kaydsado macdanta Kalsiyamka (Calcium) oo faa’iidadeedu tahay in ay xoojiso lafaha iyo kala goysyada.
Sidoo kale, xab-xabku waxa uu ku jira maado la yidhaa Sitralayn (citrulline) oo fududaysa in dhiiggu gaadho muruqyada, waana Amino aysiidh (Amino Acid).
“Xab-xabku waa biyaha ugu fiican ee unugyadu helaan. Waxa ay ka caawiyaan wareega iyo in jidhka oo dhan dhiiggu gaadho,” Dr. Christie.
Haddii qofka muquryadu istagaan amma ay dhaqaaqu ku yaradaan waxa hubaal ah in xab-xabku daawo u yahay sida cilmi-baadhista khubarada dhinaca nafaqada ku takhasustay caddaysay.
4 : Hurdo fiican : Haddii qofku hurdo la’aan ku dhacdo oo uu cabo xab-xab amma uu cuno waxa uu ka caawinayaa inuu hurdo heli karo, halka maadada Kolin sidoo kale ay qofka xasuustiisa wanajiso, maadaama maskaxdu degto, degenaanshahana ku shaqayso.
Waxa kale oo uu xab-xabku ka qaybqaata in qofka aan jidhkiisa miisaan fuulin, sababto ah aysiidha ku jirta ee Citrulline ayaa burburisa duxda, qofkana ka ilaalisa inuu noqdo mid buurni xad-dhaaf ah. Waxa kale oo maadadan oo ka sii kooban maado kale oo la yidhaa Arginine ay jidhka u fududaysaa in dhiiggu si fiican u qulqulo oo xubnaha si fiican u gaadho
Cilmi-badhayaal Jaamacada Texad ee A &M University ka tirsan, ayaa sheegay in xab-xabku kor u qaado taranka qofka iyo in dheecaanka jidhka ku jira si fiican u gaadho meelaha loogu talagalay.
WQ: Muxsin Maxamed Cabdulle