QABYAALADDA WANAAGSAN!

Soomaalida waa bulsho qabali ah, oo ku dhisan hab beeleed, sidoo kale isku soo dhaqi jirtay habkaas beelnimada ah, dhiigga iyo dhacaankana ku kala dhacsan jirtay. Soomaalida waxaa soo kala dhex-galay waqtiyo lala dagaalamay sheegashada heybta uu qofka ka dhashay, taas oo uu islaamka ammaanay in heybto la sheegto, ayna tahay mid ay dadka isku gartaan.

“يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ إِنَّا خَلَقْنَٰكُم مِّن ذَكَرٍۢ وَأُنثَىٰ وَجَعَلْنَٰكُمْ شُعُوبًا وَقَبَآئِلَ لِتَعَارَفُوٓاْ ۚ إِنَّ أَكْرَمَكُمْ عِندَ ٱللَّهِ أَتْقَىٰكُمْ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلِيمٌ خَبِيرٌ”.

Qabiilka waxa uu keena dareen qabyaalad ah si lamid ah sida uu dalka u keeno dareen waddaninimo, dareenkaas waa mid wanaagsan oo isku haya qabiilka, ileen haddii uusan dareen jirin ma jiro wax gooni ah oo isku heyn karo dad. Dunida oo idil waxaa jiro dareeno dad isku haya, kaas oo ka imaan karo mid isir, iyo mid diineed oo dad gooni ah ay wax isla aaminsanyihiin, sida dadka islaamka loogu walaaleysiiyay diinta ay heystaan, ayaga oo kala isir iyo shacab duwan.

قول النبي ﷺ: “المسلم أخو المسلم لا يظلمه ولا يُسْلمه، ومن كان في حاجة أخيه كان الله في حاجته، ومن فرج عن مسلم كربة فرج الله عنه كربة من كربات يوم القيامة، ومن ستر مسلما ستره الله يوم القيامه”

قال رسول الله ﷺ: “مثل المؤمنين في توادهم وتراحمهم وتعاطفهم مثل الجسد إذا اشتكى منه عضو تداعى له سائر الجسد بالسهر والحمى”

Dareenkaas uu islaamka ku walaalesiiyay dad kala duwan ayey qabyaaladda lamid tahay, haddii si wanaagsan loo adeegsado oo laga faa’ideysto, balse nasiib darro Soomaalida dareenkaas badankiisa waxa ay ugu faa’ideysatay in ay ku dhibaateeyaan dad walaalahood ah. Soomaalida maanta lama maqashiin karo qabyaalad waxa ay u kasayaan wax quran ah oo Soomaalida dib dhigtay balse dhibka ayaa ah sida aan annaga u adeegsanay ama la inoogu fasiray.

Si guud qabiilka Soomaalida maanta waxa uu ugu jiraa kaalin mug leh, oo qofka Soomaaliga ah maanta inta uu isirka guud ku kalsoonyahay waxaa ka badan inta uu heebta hoose ku kalsoonyahay taas ayaana keentay in qofka Soomaaliga qabiilkiisa wax walibo u huro. Dowladdii kacaanka waxyaalaha sida xun ay dadka ugu tusisay waxaa kamid ah dareenka qabiilka(qabyaaladda) oo ay ka soo qaaday wax xun, fisirkaas qaldan ayaa in badan oo kamid ah dadka ugu dhuumadaan qabiilka, ayaga oo si hoose wax walibo ugu sameynayo.

Maadama Soomaalida ay ku xoog badan tahay qabiilka waxa aan u baahanahay in la xoojiyo dareenka qabyaaladda oo ku dhisan wanaagga iyo is kaalmeynta iyo in sidoo kale leysaga dhiciyo waxii markaasi ku soo xad-gudbo qabiilka, oo walaalka mar walibo waa in aad u danaaniso, haddii laga gardaranyahayna aad qabato, haddii uu gar leeyahayna aad u soo dhiciso, si uu xadiis nabi ku soo arooray.

قال: قال رسول الله ﷺ: “انصر أخاك ظالمًا أو مظلومًا، فقال رجل: يا رسول الله، أنصره إذا كان مظلومًا، أفرأيت إذا كان ظالمًا كيف أنصره؟ قال: تحجزه أو تمنعه من الظلم فإن ذلك نصره”

Maalin hore waxaa qarax lagula eegtay Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ka dhashay beedha Baadicadde, waxaa la geeyay isbitaalka Digfeer oo uu sida uu sheegay wariye Cabdicasiir Gurbiye oo ku heyb ah, Gurbiye waxa uu gutay waajib qabali ah oo in u gurmado u dooddo inta uu tarana ka taro Maxamed Ibraahim Macalamuu oo ay isku heyb-yihiin, waa dhaqanka wanaagsan ee la rabo in la booriyo, balse haddii qabyaaladda meel laga saari lahaa dareenkaasi ma keeni laheyn, sida aad ogtihiinna wax ayaa laga qabtay.

Si guud, qabyaaladdu ma ahan wax xun oo quran ah, balse waa dareen bulsho gaar ah kaas uu ka dhalan karo wanaag iyo xummaan, haddii aan dhanka fiican u adeegsano uu i noo gali karo kaalin mug leh, marka adiga iska biloow qabiilkaaga dadka kale ugu dhowow, waxii wanaag ah ayaga u qabo, taasi oo aadan ugu dulmineynin beelo kale, wax walibana waxaa ugu wanaagsan midda qabiilkaaga laga bilaabo oo dadka ayaga ayaa kugu soo dhow, haddii ay dad dulminayaana aad ka diiddo dulmiga, iyadana waa dareen qabyaaladdeed oo wanaagsan.

Suugaanta Soomaalida ee caanka ma badno ama ma jiraan wax qabyaaladda wanaagsan ammaanayo ee intooda badan waxa uu waqtiga kaga lumay midda xun in ay suurad xumeeyaan laakiin inta badan iskuma howlin in ay wax ka dhisaan qabyaaladda wanaagsan, haddiiba ay aaminsanyihiin in ay qabyaaladda inteeda wanaagsan badantahay oo wax lagu sixi karo. Aniga waxaan qabaa inta la sii fogeyn lahaa qabiilka iyo dareenkiisa in aan keeno hab lagu sixi karo oo midkiisa wanaagsan dadka looga faa’ideyn karo.

W/Q: Saabir Boogle