Qabanqaabada shirka wadatashiga ee madaxweynuhu ku baaqay oo Muqdisho ka socota

Guddi gaar ah oo ka kooban xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo saraakiil kale oo ka tirsan Dawladda Federaalka ah ayaa bilaabay kulamo loogu diyaar garoobayo qabsoomidda gogosha Qaran ee uu dhawaan ku baaqay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Guddiga ayaa kulankii ugu horeeyay la yeesheen wakiilo ka socda Ururada Bulshada Rayadka ah.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa ay dhinacyadu yeesheen aragti wadag balaaran kaas oo ku qotoma sidii looga miro dhalin lahaa Gogosha Qaran.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan iclaamiyay in la qabandoono gogol qaran taas oo looga tashanayo sidii loogu midoobi lahaa arrimaha masiiriga ah sida Dagaalka Khawaarijta iyo arrimaha siyaasadda