Qaar kamid ah Murrashaxiinta Madaxweynaha Dalka Oo Maanta hadal-jeedin sameyndoona

Maanta oo tariikhda tahay 11-05-2022, ayaa waxa lagu wadaa in Teendhada Afisyoone ka bilaabato hadal-jeedinta Musharaxiinta u tartamaysa Madaxweynaha 10-Aaad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, sida uu ahaa jadwalka ay horay u shaaciyeen Guddiga iskudhafka ah ee doorashada Madaxweynaha

Waxaa lafilayaa in khudbadahooda Musharaxnimo Maanta oo ah maalintii koowaad ay jeediyaan 20 xubnood sida qorshuhu yahay, waxaana xarunta teendhada Afisyoone oo ah halka aya hadal jeedinta ka dhaceyso ku sii wajahan xubnaha Musharaxiinta ee Maanta ku qoran khudbadaha,waxaana Aad loo adkeeyay Amniga goobta ay hadal jeedintu ka dhaceyso taa oo Amnigeeda ay sugayaan ciidamada nabad ilaalinta ee ATMIS iyo ciidanka Booliska Soomaaliya.

Shalay ayay ahayd markii Guddiga ay soo gaba-gabeyeen Diiwaan gelinta Musharaxiinta u tartamayo doorashada Madaxweynaha Jamhuuridda Soomaaliya, iyadoo ay is diiwaangeliyeen 39-Musharaxa oo u taagan qabashada xilkaas.

Doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa loo madlanyahay inay dhacdo 15 May 2022 oo ku beegan maalinta Axadda ee soo socoto.