Qaar ka mid ah murrashaxiinta guddoonka BFS iyo ku xigenadiisa oo shahaadadoodi murrashaxnimo qaatay

Guddiyada doorashooyinka guddoonada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalintii labaad wada diiwaan gelinta iyo shahaado siinta musharrixiinta u tartameysa lixda kursi ee guddoonka BFS.

Musharixiinta Maanta la diiwaangeliyay waxaa kamid ah Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed, Xildhibaan Saadaq C/laahi Cabdi, Xildhibaan Mahad Cabdalla Cawad oo u tartanay Guddoomiyaha ee Golaha Shacabka BJFS iyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS.