Qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka Sh.hoose oo tababar loo soo xiray

Tabarkaan ayaa ku saabsanaa maamul wanaaga, baahinta adeegyada dowladda iyo ka hortaga qaraha cadowga ee Al shabaab ayaa maanta waxaa loo soo xiray Qaar ka mid Ah guddoomiyaasha gobalka Sh.hoose, waxaana tababar soo xiray Wasiirka arrimaha gudaha Koofur Galbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Sh.hoose.

Ugu horeyn waxaa xeritaanka siminarkaasi hadal ka jeydiyay gudoomiyaha gobalka sh.hoose, wuxuuna sheegay in maanta kadib gudoomiyeyaasha dagmooyinka gobalka sh.hoose lugla xisaabtami doono shaqooyinka ay bulshada u hayaan, masuuliyadna ay isa-saraan.

Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Koofur Galbeed Cabdulaahi Xaaji ayaa sheegay in tabarbarkaan uu yahay Mid muhiim ah, islamarkaana guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Sh.hoose looga fadhiyo iney wax badan ka qabtaan caqabadaha ka jira gobalkaasi, uuna gacan weyn kasiin doono garab waliba ay ugu baahdaan.

Ugu danbeyntii qaar ka Mid Ah gudoomiyeyaasha loo soo xiray tababarka ayaa sheegay in wax badan ay ka faa’iideyn tababarka, ayna kula noqon doonaan bulshada ay matalaan.