-Faa’iidooyinka xasilinta Amni ee ay u leedahay cuno qabataynta Soomaaliya laga qaaday.
Wasaaradda Warfaafinta ayaa xalay Muqdisho ku qabatay Barnaamujka doodfuran oo ay marti ku ahaayeen la taliyaha Amniga Qaranka,wasiir dowlaha wasaaradda Amniga iyo wasiir kuxigeenka wasaarda warfaafinta iyo Dhaqanka, Dooda ayaa looga hadlay muhiimada ay waqti xaadirkan u leedahay in hubka laga qaado Dowladda Soomaaliya.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Mudane Alcadaala ayaa sheegay in ciidanka qaranka ay u tahay niyad dhis himilo iyo guul weyn oo ciidankeena dalka kaga xoreyn doonaan khawaarijta, iyadoo Wasiir Cadaala xusay in Dowladda Soomaaliya buuxisay dhammaan Shuruudihii looga baahanaa.
Sidoo kale la taliyaha Amniga qaran mudane xuseen Macalin ayaa sheegay in ay Soomaaliya usoo martay in hubka laga qaado marxalado badan laga soo bilaabo 1991 ilaa waqtigan oo si buuxda looga qaaday cunaqabateenkii hubka ee muddada fog saarnaa.
Wasiir dowlaha wasaarda Amniga Mudane Xagaa ayaa sheegay in dowalada Soomaliyeed ay masuuliyad weyn qaaday aduunyaduna inagu aamintay.