Argagixisada ayaa siiwada ficiladooda guracan ee khatarta ku ah jiritaanka iyo horumarka dhaqan dhaqaale iyo bulshada ee qaarada Afrika sababo laxariira inay yihiin kuwo leh sifooyin kharibaad ah oo lid ku ah dadaalada ay wadamada afrikaanku ku doonayaan inay ku xaqiijiyaan isbadal dhaqan dhaqaale iyo bulsho oo hanaqaada .
Kahtaraha argagixisadu ku hayaan wadamada afirka ayaa ah mid cuuryaaminaya dadaalada ay qaaradu ugu jirto sidii ay ugaari lahayd ajandayaasheed dhanka horumarinta qaarada oo lajaan qaadi kara dunida casriga. Dadaaladaas ayaa ah sidii hoos loogu dhigi lahaa ama loo yarayn lahaa caqabadaha dhaqan dhaqaale, amni iyo bulsho ee sida xun u saameeyey inta badan nolosha bulshada qaarada ee aadka u liita . ama ah kuwa nugul dhibaatooyinka dabiiciga ah ama kuwa aan dabiiciga ahaynba .
Duruufaha qalafsan ee ladariska ah bulshooyinka qaarada Africa yaa ah kuwo sii daciifinaya awooda bulshada, waxayna noqonayaan kuwo unugul amaba khatar u yihiin inay ku biiraan, ama gacan siiyaan ururada xagjirka ah iyo kuwa argagixisada ah.
Warbixin ay qortay xarunta ( African Centre for the Study and Reseach on Terrorism ) bartamaha sanadkan 2022 ayaa sheegtay in intii u dhaxaysay Janaayo – 30 Jun 2022 ay qaarada ka dheceen in ka badan 699 weerar ayna kadhasheen qasaaro dhimasho oo gaaraya 5412.
xarunta ayaa iftiimisay in ficilada kooxaha argagixisada ay caalama ka gaystaan in boqolkiiba 48% ay ka dhacaan afrika. soomaalida ku waxyeeloobay ficilada guracan ee argagixisada ayaa tiro ahaan kaaraya boqolkiiba 18% marka labarbar dhigo dalalka Burkiina Faso,Mali iyo Nayjar. Balse waxa kabadan dalka afganistaan oo boqolkiiba 20% ay yihiin dadka kule`day ficilada argagixisada.
weerarada argagixisada ee kusii baahaya Afrika waxay abuuraysaa welwel kale oo ah sida ay qaaradu u xaqiijinkarto yoolka uruka midawga afrika oo ah in qaaradu noqoto meel ka caagan dhawaqa qoriga 2030 , maadaama ay ku guul daraysatay inay xaqiijyo gaarista yoolkan 2020.
Waxaynu ku noolnahay duni ay ka dhacayaan isbadalo waaweyn, sidoo kale waxaa isbadalaya hab dhaqanka ururada argagixisada marka laga eego dhanka ilaha dhaqaalaha ay ka helaan, dadka ay adeegsadaan iyo xirfadaha ( Techniques)iyo sidookale tabaha ama qalabka ay u adeegsadaan inay ku fuliyaan weeraradooda. Isbadala noocaan ah ayaa kadhigaya kuwo ka dhib badan ama ay adagtahayba in lafahmo qaababka iyo tabaha ay ufulinayaa hawlgaladooda waxshnimada ah . sidaas awgeed waxaa qasab ku ah hay`adaha nabadsugiga ( Intelligences ) iyo kuwa Amniga inay noqdaan kuwo u diyaarsan awoodna u leh inay la falgalaan kooxahaas cadawga ah ee abaabulan, korna u qaadaan dareenkooda iyo garaadkooda , waana muhiim in wadamada qaaradu ay qaadaan talaabooyin cad cad oo wax ku ool ah oo ah inay dib u habayn ku sameeyaan dhinacyada xoojinta awooda iyo tayada dadka ka howlgalaya hay`adahaas noqdaana kuwa u diyaarsan dejinta istiraatijiyadaha dhanka aruurinta xogaha, xuuraansiga wararka , falanqayntooda iyo in sihufan loofaaqido xogahaas, noqdaana hay`adadha amnigu kuwa awood u leh isdhaafsiga xogaha waqtiga ku haboon iyo go`aan ka qaadashadooda, sidoo okale waa muhiim inla adeegsato xirfadaha caadiga ah iyo kuwa aan caadiga ahayn si looga hortago loona fashiliyo weeraada ka imaankara kooxaha argagixisada .
Mahadsanidiin
WQI: Axmed Suudaan
Lataliyaha koowaad Somali embassy Khartoum- Sudan.