Qaabka loo Xakameyn karo faafinta Wararka Been Abuurka ah (WARBIXIN)

Waayahaan waxaa ku soo badanayay in Baraha Bushada lagu baahiyo Warar been abuur ah oo loo geysanayo Masuuliyiin, Aqoonyahanno, Culumaa’udiin iyo dad kaleba, kuwaasi oo loo gafayo Shaqsigiisa, sharaftiisa iyo Cirdigiisaba, waxaana loo baahan yahay in la abuuro sharciyad lagu xakameynayo baahinta Wararka Been Abuurka ah, sidaasi awgeed ayay Dowladda Soomaaliyeed waxa ay qabatay Shirweyne looga arinsanayo islamarkaana la isla wadaagayo aragti-wadaagga iyo Xakameynta Faafinta Wararka Been Abuurka ah.

Shirweynahaasi oo looga hadlaayay aragti-wadaagga iyo xakameynta faafinta Wararka been abuurka ah oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, laguna qabtay Magaalada Muqdisho, kaasi oo socday muddo laba cisho ah, intii uu barnaamijkaasi socdayna waxaa la isku weydaarsaday doodo cilmiyaysan oo ay ka qaybqaadanayeen hawlwadeenno ka kala socday hey’adaha dowladda, Warbaahinta dalka, Ururada Saxaafadda, bulshada Rayidka, Culumada iyo khuburo ku xeel dheer arrimaha Warbaahinta, iyadoo uu furitaankiisi ka qeybgalay Ra’iisul-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo munaasabadaasi ka hadlay  Aragti-wadaagga Xakameynta Faafinta Wararka Been abuurka ah iyo Saameynta taban ee ay bulshada ku dhex leeyihiin  ayaa tilmaamay in faafinta wararka aan sugneyn ay khatar weyn ku yihiin amniga Qaranka, nabadgelyada iyo wadajirka Ummadda, gaar ahaan marka ay faafiyaan Argagixisada iyo kuwa la mid ka ah ay noqon karto hub wax burburiya..

Madaashaasi waaa kaloo ka qeybgalay hadalana ka jeediyay doodaha shirka waxaa mid ahaa Wasiiro, Xildhibaanno, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, Guddoomiyihii hore Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Culumaa’udiin,Odoyaasha  Dhaqan, xubno ka socday Booliiska Soomaaliya, Khubaro Saxaafadeed oo ka kala socotay Warbaahinta gaarka ah iyo Ururada Saxaafadda, waxaana si qoto dheer looga dooday saameynta Wararka been abuurka ah ku leeyihiin nolosha bulshada iyo sida ugu macquulsan oo lagu xakameyn karo si waafqsan sharciga dalka.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac  ayaa sheegay in ujeedada  shirkan uu ahaa aragti-isweydaarsiga dowladda iyo dadkeeda, si xal loogu helo dhibaatada faafinta Wararka been abuurka ah. Ajandayaasha shirwaynahaasi looga dooday waxaa  ka mid ahaa:- 1. Baahinta wararka aan la hubin, ama been abuurka ah iyo Warbaahinta casriga ah 2.  Saameynta Wararka abuurka ku leeyihiin kicinta xasaradaha bulshada iyo colaadaha sokeeya, 3. Muxuu sharcigu ka qabaa faafinta wararka been abuurka ah iyo saameyn intee la eg ayayse ku leedahay dowlad dhiska.4.  Waa maxay tallaabooyinka loo baahan yahay si loo xakameeyo wararka been abuurka?. 5. Sidoo kale waxaa khubarada ka qeybgalaysay shirka soo jeediyeen mowduucyo ay ka mid yihiin.:-  Diinta Islaamka waxa ay ka qabto been abuurka, 6. Booliska iyo dhibaatooyinka ay kala kulmaan wararka been abuurka iyo habka hubinta Wararka been abuurka ah. 7.  iyo wadiiqada loo maro xaqiiqo raadinta Wararka.

Khubaro badan ayaa Madashaasi ka hadlay waxayna dul istaageen, islamarkaana qireen in jiraan khaladaad badan ee ka dhex jira Baraha Bulshada, sida Af-lagaado Madaxeed iyo qoysaskooda, been abuur laga sameeyo dadaalada ka socda Dalka, laguna abuuro Bulshada khal-khal iyo Walaahoow, waxayna soo jeediyeen in Dowladdu ay siyaasad dhab ka qaadato xamaeynteeda, islamarkaana laga soo saaro sharci gaar ah oo ku aadan wararka been abuurka ah, iyadoo dadkii ka hadlay ka mid ahaa Dr. Maxamed Cusmaan Jawaari, kaasi oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya,ayaa qiray inay isaga qudhiisa ay ku dhacday falalka  Wararka beern abuurka, isagoo tilmaamay in marka Warar la qoraayo waxaa jira qaab asluubeysan oo loo qoro, balse toos ayay qof loo weeraraa.

“ Geeridu waa xaq, laakiin markii la yiri Jawaari waa geeriyooday waan qiirooday, waxaana is weydiiyay maxay kaa rabaan  oo ay kuu dilaayaan? Maxaad ka sameysay? waxaase jira Intii is laheyd Qaran ayuu wax u taraa way ka naxeen, ilaa markii dambe aan anigu soo hadlay oo aan iri waan noolahay, waxaase ka sii yaab badan kuwii waxaasi sameeyay xitaa ilama soo xariirin, raaligalin ma bixin waa yaab” ayuu yiri.  Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari oo ah rug caddaa siyaasadeed, wuxuuna sii raaciyay gabood -faladaasi ayaa weli ka sii socda Baraha Bulshada ayuu sii raaciyay, “ Madaxweyne Xasan Shiikh mar uu tegay Imaaraatka Carabta waxaa lagu sheegay inuu dhintay, sidii teydii oo kale ”.

Dood iyo Falanqeyn dheer kadib ka qeybgalayaasha ayaa soo jeediyay talooyin wax ku ool ah oo la xiriira Xakameynta faafinta Wararka been abuurka ah iyo saameynta ay ku leeyihiin bulshada waxaana ay badankood soo jeediyeen:-

1- In Dowladda, ururada Saxaafadda Wadajir uga shaqeeyaa sameynta wacyi gain xooggan oo la xiriirta ka hortagga sameynta iyo faafinta wararka been abuurka.

  1. In Dowladda dhaqan galiso shuruucda degsan ee la xiriirta xakameynta faafinta been abuurka, si loo maareeyo qataraha ka yimaada been abuurka, marin habaabinta iyo hubin la’aanta wararka.

3- In sidoo kale la sameeyo xeerar la jaan qaadi kara Warbaahinta casriga ah, laguna xakameyn karo dambiya iyo faafinta been abuurka ah ee lagu sameeyo baraha dadku ku xariiraan iyo qodob kale oo muhiim u ah bad-qabka iyo xasiloonida Dalka.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo soo xiray shirweynaha ayaa sheegay in shirkani uu muhiim u ahaa hey’adaha dowladda, qeybaha bulshada, culimada iyo khubarada kale in ay ku wadaagaan aragtidooda si furan, si xal looga helo wararka aan la hubin, marin habaabinta ku dhisan ama hubinti la’aanta loo baahiyo, kuwaas oo saameyn taban ku leh bulshada.

Wasiir Daa’uud ayaa tilmaamay in Wasaaraddu ka shaqeynayso hirgalinta aragtiyaha iyo xogaha ka qeyb galayaashu ku wadaageen shirkani oo dhammaantood taabanaya dhibaatada dalkeena iyo dadkeena ay ku hayaan wararka been abuurka ah.

Ugu dambeyntiina  Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaa laga dhur sugayaa in ay soo saari doontaa warbixin dhameystiran oo la xiriirta natiijada doodihii wax ku oolka ahaa ee shirweynaha Aragti wadaagga Xakameynta faafinta Wararka been abuurka ah iyo saameynta ay bulshada ku leeyihiin.