Wasiirka Wasaaradda Amniga dowalad goboleedka Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Boosaaso ayaa ka hadalay dagaal sacadihii la soo dhaafay ka socday Magaalda Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari
Wasiirka ayaa ku dhawaaqay xabbad-joojin iyo wada-hadal kadib dagaal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Magaalada Boosaaso,isagoona dhinacyada dirirtu u dhaxysay ugu baaqay in Xabbada la joojiyo.
wasiirku waxa uu intaa hadalkisa ku daray inay la soo xiriireen Odayaal, Ganacsato iyo Culama’udiin, iyago oo ka codsaday in xabbada la joojiyo, isla markaana dhankooda mar walba ay diyaar u yihiin xabad joojin iyo wada-hadal
Hadalka wasiirka Amniga puntland ayaa imaanayo xili shalay iyo maanta dagaal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jiro Boosaaso ku dhaxmar ciidamo tabacsan Agaasimihii xilka laga qaaday ee PSF iyo kuwa Maamulka puntland