Puntland oo gacanta ku dhigtay ajaanib muqalasiin ah

Taliska Booliska Maamulka Puntland si gaar ah kuwa Gobolka Bari ayaa faah-faahin ka bixiyey rag ajaaniib ah oo ah kuwa Dadka tahriibiya oo ciidamada Badda Puntland ay ku qabteen xeebaha Gobolka Bari.

Ciidamada  Ammaanka Gobolka Bari ayaa soo qabtay raggaan ajaaniibta ah oo watay Saxiimad ay dadka ku tahriibin jireen,waxayna dhalasho ahaan ka soo jeedaan dalka Yeman.

Taliyaha Booliska Gobolka Bari Abdulkhadir Jaamaac Dirir ayaa warbaahinta uga warbixiyey Ajaanibtaan ciidamada ay gacanta ku soo dhigeen, isla markaana ay sharciga hor geynayaan.