Prof Maxamed Daahir oo ku geeriyooday London

Caawa waxaa magaalada London ee dalka Ingiriiska ku geeriyooday Prof. Maxamed Daahir Afrax.

Marxuumka ayaa ahaa guddoomiyaha guddiga madaxa-banaan ee dastuurka, sidoo kale waxuu ahaa guddoomiyihii akadeemiya goboleedka afka Soomaaliga, Waxuuna xubin ka ahaa Naadiga Qalin Maalka ee (Pen).

Prof Afrax ayaa ahaa Qaraa caan ka ahaa geyiga Soomaalida iyo guud ahaan dunida, waxa uu na qoray buugaag kala duwan oo caan baxay sida, Buugga Guur-ku-sheeg oo uu qoray 1975, Buugga Nida Al-Horiyah oo uu qoray 1976, Buugga Maana-faay oo uu daabacay 1979 iyo Buugga Galti-macruuf oo isna uu qoray 1980.

Prof ayaa ka mid ahaa Aqoon-yahanada Soomaalida ee Waxbarashadoodii aasaasiga ku qaatay Soomaaliya Barri-samaadkii, isagoo luuqado dhowr ah wax ku qori jiray.