Pakistan oo ku dhawaaqday in ay martigelin doonto ciidamo badd oo ka socda 45 dal, oo ay ku jiraan Mareykanka, Shiinaha iyo Ruushka.

Pakistan ayaa ku dhawaaqday inay martigelin doonto ciidamo badd oo ka socda 45 dal, oo ay ku jiraan Mareykanka, Shiinaha iyo Ruushka, si ay dhoolatus milateri oo wada jir ahi ay uga sameeyaan Badda Waqooyiga Carabiya dabayaaqada bishan.
Waxa ay noqon doontaa markii ugu horreysay muddo toban sano ah oo maraakiibta badda ee Ruushka ay ka qeyb galaan dhoolatus ay xubno badan oo NATO ka tirsan ay qeyb ka yihiin.
Saraakiisha Pakistan ayaa sheegay in dhoolatuskan caalamiga ah ee “AMAN” (Peace) ee dalalkan ay ka wadaan biyaha Pakistan looga gol leeyahay in lagu kobciyo iskaashiga caalamiga ah ee la dagaalanka burcad badeeda, argagixisada iyo dambiyada kale ee qatarta ku ah amniga iyo xasiloonida badda.
Ingiriiska, Turkiga, Bangladesh, Sri Lanka, Indonesia, Malaysia iyo dalal ka socda Midowga Afrika ayaa sidoo kale ka mid ah layliga milatari .
Markii ugu dambeysay ee ciidamada badda ee Ruushka ay dhoolatus milateri oo wadajir ah la sameeyaan xubno ka tirsan NATO ayaa waxa ay aheyd dhoolatuskii “Bold Monarch” ee sanadkii 2011, kaas oo ka dhacay xeebta Spain.
Xiriirka NATO iyo Moscow ayaa xumaaday tan iyo markii uu Ruushka qabsaday Jasiiradda Crimea ee Ukraine sanadkii 2014-kii.