Pakistaan: Dooni aroos oo qalibantay ayaa sababtay dhimashada 18 Haween ah.

Pakistan ayaa ku dhawaaqay in dooni ay la socdeen 100 qof oo isku qoys ah oo u socday xaflad aroos ay ku degtay wabiga Indus Isniintii, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 18 haween ah halka tobanaan qofna wali la la’yahay.

Maamulka ayaa sheegay in doonida ay degtay xilli ay dad qoys ah oo aroos ka soo qaaday Mashka kuna socotay deegaanka Kharoor oo ka tirsan degmada Sadiqabad ee gobolka Punjab.

Rana Kashif Maxmuud oo ah afayeenka maamulka degmada Sadiiqabad ayaa sheegay in shilkan uu sababay dhimashada 18-haween ah, kuwaasi oo la xaqiijiyey inay dhinteen, halka inta u dhaxaysa 25 ilaa 30 qof ay ka badbaadeen kadib markii Dadka degan hareeraha webiga ay soo badbaadiyeen, halka qaar ay u suurtagashay in ay dhulka ku gaaraan dabaal. Afayeenka ayaa intaa ku daray in kooxaha gurmadka ay wadaan baadigoobka dadka maqan.

Dhanka kale sarkaal u hadlay Booliiska oo lagu magacaabo Mohamed Hammad ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in “inta badan dadka qariqmay ay yihiin haween,” sababtoo ah “ragga intooda badan waxay ku fiican naayeem dabaasha.” Ayuu yiri.

Dadka reer miyiga ah ee Pakistan ayaa inta badan isticmaala doomaha, maadaama ay aad u adag tahay isticmaalka gaadiidka wadooyinka oo go’an ama raf ah awgood.

In Haweenku baran waayaan Dabaasha ayaa loo sababaynayaa dhaqamada soo jireenka ah ee Shacabka Pakistaan, kaa oo aanan soo dhawayn in Haweenku ay dabaashaan ama galaan Biyaha si ay u dabaal bartaan.