Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa shacabka caasimadda ugu baaqay inay qaataan kaarka codbixinta Doorashooyinka , si ay uga qeyb qaataan doorashada golaha degaanka ee lagu wado inay dhacdo 25-ka bishan.
Guddoomiye Muungaab ayaa sheegay in qof kasta oo hore u qaatay shahaadada is-diiwaan gelinta laga rabo inuu qaato kaarka codbixinta, maadaama uu kaarkani yahay kan u oggolaanaya inuu codkiisa dhiibto maalinta doorashada.
“Qof kasta oo haysta shahaadada is-diiwaan-gelinta waxaan ugu baaqayaa inuu qaato kaarka codbixinta, si ay 25-ka bishan u helaan xuquuqdooda codbixineed. Guddiga Doorashada iyo ururrada siyaasaddana waxaan u fududeyn doonaa dhammaan howlaha ay ugu adeegayaan bulshada,” ayuu yiri Guddoomiye Muungaab.
Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa tilmaamay muhiimada ay leedahay in awoodda dib loogu celiyo shacabka, si ay u soo doortaan ciddii matali lahayd una hoggaamin lahayd. Wuxuu xusay in muddo dheer ay bulshada Gobolka Banaadir ka maqneyd xuquuqdaan, isla markaana doorashadaan waxay dib u soo celinaysaa xaqa codbixinta ee muwaadiniinta caasimaddu lahaayeen.
Dhanka kale, wuxuu ururrada siyaasadda ee diiwaangashan u sheegay inay si xor ah u soo bandhigi karaan ololahooda doorashada, isaga oo xusay in maamulka gobolka uu la shaqeyn doono Guddiga Doorashooyinka, si loo xaqiijiyo qabsoomidda doorashada golaha degaanka ee Gobolka Banaadir.

