Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo horumarinta nabadda By Kulane March 8, 2023 3 Min Read Share

Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub  ayaa shalay magaalada Muqdisho ku yeeshay wadahadalkoodii 3-aad ee dhanka siyaasadda, Waxaana ka sii horeeyay kulan midowga Yurub ay la qaateen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya,Mudane Xamza Cabdi Barre.

, Labada shirba, dooduhu waxay ahaayeen kuwo wanaagsan oo wax dhisaya,isla markaana yaabanaya dhinacyo badan, iyadoo lagu saleeyay qodobbo mudnaan wadaag ah oo lagu heshiiyey.

Qodobadaasi mudnaanta leh waxay u adeegi doonnaan aasaaska qaab-dhismeedka ka qaybgalka ee dawladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub in ay hadda horumarinayaan si kor loogu qaado nabad iyo ammaan waara iyo sidoo kale gaaridda rajada barwaaqada.

Intii ay shirarku socdeen, Midowga Yurub wuxuu soo dhaweeyay hamiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee barnaamijka dib-u-habaynta ee looga gol leeyahay in looga faa’iidaysto taageerada la-hawlgalayaasheeda, si loo gaaro natiijooyin waara.

Sidoo kale, Midowga Yurub ayaa xusay in Madaxweynaha uu si wanaagsan uga qayb-galayo dib-u-heshiisiinta caalamka, heer gobol iyo mid gudahaba, isagoo dhidibada u taagay shaqo dhab ah oo loo dhan yahay, taasoo lagama maarmaan u ah in wax laga qabto sababaha keenay dhibaatooyinka wejiyada badan ee saameeyay Soomaaliya.

Wada-hadallada ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray rajada laga qabo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, taasoo ku xiran awoodda dowladdu ay u leedahay in ay gaarto kobac dhaqaale oo dhab ah.

Midowga Yurub ayaa sidoo kale xusay guulaha la taaban karo ee laga gaaray sanadkaan  dagaalka hadda lagula jiro kooxda argagixisada ah ee al-Shabaab iyo sidoo kale mudnaanta ay dowladdu siisay in laga adkaado argagixisada

Labada dhinacba waxay sidoo kale xaqiijiyeen go’aankooda ku aaddan xoojinta iskaashiga macnaha leh, kaas oo gacan ka geysan doona ka-qaybgal siyaasadeed oo sal-ballaaran, nidaam ammaan oo waxtar leh iyo horumarinta dhaqaalaha.

Waxay sidoo kale u noqon doontaa marjac wada-hadallo siyaasadeed oo dheeraad ah oo u dhexeeya Midowga Yurub iyo Soomaaliya iyo sidoo kale ku dhaqanka labada EU iyo tallaabooyinka taageerada dalalka xubnaha ka ah.

Wada-hadalka Siyaasadda ee Soomaaliya waxaa wada guddoominayay Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax, Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya, iyo Midowga Yurub Ms Rita Laranjinha, oo ah Agaasimaha Maamulka Afrika ee Adeegga Waxqabadka Dibadda ee Midowga Yurub.

Share this Article