Olollaha tallaalka cudurka dabeysha oo Baydhabo ka bilowday

Wasaaradda Caafimaadka maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta magaalada Baydhabo si rasmi ah uga daah-furtay wareegii saddexaad ee tallaalka Dabeysha (mOPV3).

Munaasabadda lagu daahfurayay waxaa ka soo qeyb galay ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo qaar ka mid ah Agaasime waxeedyada, shaqaalaha kale ee Wasaaradda iyo wakiilo ka kala socdey Hay-adaha UNICEF iyo WHO.

Qaar kamid ah Masuuliyiintii ku sugnaa madasha ayaa shaqaalaha fulinaya tallaalka waxaa ay kula dardaarmeen in ay ku dadaalaan sidii talaalka ay u gaarsiin lahaayeen tiro badan oo carruur ah si looga hortago Cudurka Dabeysha.

Mas’uuliyiinta wasaaradda caafimaadka koonfur Galbeed ayaa waalidiinta ku baraarujiyay in ay carruurtood siiyaan tallaalka cudurka dabesha si looga badbaadiyo dhibaatada uu leeyahay, waxayna balan qaadeen kan wasaarad ahaan in ay sii wadi doonaan dadaalkooda ku aadan ciribtirka cudurka dabeysha oo dhibaato weyn ku haya carruurta.