Odoyaasha dhaqanka ee ku sugan Magaalada Baladweyn ayaa maanta deeq mucaawino ah oo loogu talagalay ciidamada gaarsiiya maamulka Degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan.
Deeqdaan oo isugu jirtay sdex beef oo geel ah iyo gaari raashin ah,waxaa guddoomay Guddoomiyaha Degmada Moqokori Maxamed Cabdi Mocoow,saraakiil iyo odayaal kale.
Gurmadkaan ayaa qeyb ka ah dadaal la doonayo in lagu dhiirigaliyo ciidanka ku sugan furimaha hore ee doonaya in ay soo gabagabeeyaan kooxaha khawaarijta ee ku dhuumaaleysanaya deegaanada Hirshabeelle.