Nuxurka Qodobada Heshiiska Iskaashiga Difaaca ee Soomaaliya & Turkiga

Madaxweynaha Turkey Recep Dayyib Erdogan ayaa booqday Muqdisho 25 bishii Janaayo ee sanadkii 2015-kii, si uu u furo mashaariic ay Turkey ka hirgaliyeen Soomaaliya. Erdogan ayaa xariga ka jaray terminaalka cusub ee garoonka diyaaradaha aaden Cadde ee magaalada Muqdiosho. Sidoo kale Madaxweynaha Turkiye wuxuu dib u furay cisbitaalka Digfeer oo ay dayactirtay dowladda Turkey, kaasi oo logu mkagac daray Erdogan.

Amniga Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay, waxaana ciidamadu xireen dhammaan waddooyinka muhiimka ah ee magaalada. Erdogan oo Saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Turkey ay sii wadayso mashaariicda iyo taageerada Soomaaliya, waxaa kaloo uu intaasi ku daray in  uu mashaariic badan ka hirgalin doono, sidoo kalena ay dowladdiisu Muqdisho ka dhisan doonto safaarad weyn, taasi oo laga dhisay Degmada Cabdicasiis, taasi oo noqotay safaaraddii ugu weyneyd eek u yeesho Turkiye qaar ka mid Dinuda.

Safarkaasi waxa uu ahaa kii labaad ee Erdogan uu tago Soomaaliya, isagoo markii uu Ra’iisul-wasaaraha ahaa Soomaaliya booqday sannadkii 2011-kii, wakhtigaasi oo ay Soomaaliya ka jirtay abaar iyo macluul aad u ba’an.​

Haddaba  Macluumaad ayaa laga helayaa heshiis Amni oo ay Dowlada Federaalka ayaa la gashay Dowlada Turkiga maalmo ka hor, taasoo u fasaxeysa Ciidamada Badda Turkigu in awood ay ku ilaalinayaan xeebaha Dalka, kaasi oo ay soo wada saxiixeen Golaha Wasiirada XFS, islamarkaana ay cod aqlibiyad ah u wada ansaxiyeen kulan ay yeesheen Labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana uu saxiixay Madaweynaha Soomaaliya, waxaa kaloo laga war dhowrayaa in uu maalmaha soo socda uu heshiiskaasi ansixiyo Baarlamaanka Dalka Turkiye, islamrkaana uu qalinka ku duugo Madaxweynaha Dalkaasi.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya uu dhawaan safar ku tegi doona Dalka Turkiga, si loo xoojiyo heshiiska. Heshiiskaan ayaa socon doono muddo 10 Sano ah, iyadoo Ciidamada Turkiga lagu wareejinayaa Xeebaha Dalka todobaadyada soo socda, sidoo kale ay dib u dhisaan una Qalabeeyaan Ciidamada Badda Somalia. Ilaa hadda ma cadda in heshiiska ay ku jirto, in haddii lagu soo xadgudbo Xeebaha dalka ay u dhiman doonaan & in kale dhinaca Turkiga, taasoo haddii aan jirin aan waxba ka duwanaan doonin joogidooda waqtigan ee qeyb ka noqoshada howlgalka Amni sugida ee ay dalal badan ku joogaan biyaha Dalka.

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helay nuxurka Qodobada heshiiska Difaaca iyo dhaqaalaha ee ay kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, kadib markii ay si degdega u ansixiyeen Golayaasha Wasiirada iyo Baarlamanka Federaalka, isla markaana uu saxiixay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Nuxurka Qodobada Heshiiskaan oo aan wax faahfaahin laga bixin, iyadoo la sugayo in Dowlada Turkigu ansixiso dhankeeda. Heshiiskaan ayaa muddo sanado ah soo jiitamaaya, iyadoo Maamulkii hore ay ka hor istaageen Dowlada Mareykanka haatanse oggolaatay, waxaana la helayaa qodoboda heshiiska oo ay Saxaafadda Turkigu qortay, islamarkaana Saxaafadda loo dusiyay.

Qodobada ugu Muhiimsan Heshiiska

1.Inuu heshiisku socon doono muddo 10 sano ah.

2.Ilo dhaqaale oo dheeri ah oo caawin kara kobaca dhaqaalaha Soomaaliya.

3.Waxay fasaxday Howgallada Cirka, Dhulka iyo Badda inay si wadajir ah u wada howlgalaan Ciidamada Turkiga iyo Soomaaliya iyo mideynta shuruucda badda ee labada Dal.

4.Qeyb ka mid ah heshiiska Turkiga waxaa loo oggolaaday inuu difaaco Madax-bannaanida Dhuleed, Cirka iyo Xeebaha ee Soomaaliya ee Aagagga gaarka ah ee dhaqaalaha iyo meelaha isku-xiran iyo in lala dagaallamo Dalalka iyo kuwo hunguriyeeya, iyo sidoo kale in laga hortago dhammaan noocyada falalka sharci-darrada ah, sida Burcad-badeedda, Argagixisada, Kaluumeysiga sharci-darrada ah iyo daadinta walxaha qashinka nukliyeerka iyo shucaaca.

5.Waxa lagu heshiiyay in horumarinta Warshadaha Dhismaha maraakiibta iyo Dhismaha Dekedaha guud ahaan xeebaha Soomaaliya iyo Dhismaha xarumaha hal dal kaliya iyo qaar wadajir ah iyo sameynta Aagagga amniga Soomaaliya.

6.Taageeridda tababarrada, farsamada iyo qalabaynta ciidanka Soomaaliya.

7.Waxay caawisaa habeynta iyo iswaafajinta sharciyada badda, maareynta kalluumaysiga iyo habeynta hagitaanka.

8.Waxaa lagu heshiiyay bixinta kaalmo farsamo oo ay ku jirto tababarida iyo qalabeynta Ciidamada Badda ee Soomaaliya sida Maraakiibta Dagaalka iyo Doonyaha hubeysan ee dheeraya.

Hadal heyn badan ayay arrinta heshiiskaasi ka dhalisay Caalamka, waxayna siyaabo kala duwan u faaqidayaan oo qolobo meel u jiidatay, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa yiri.” Heshiiska aan la galnay dowladda Turkiga waxaa uu soconayaa 10 sano waxaana la dhisayaa ciidanka badda Soomaaliya”. Madaxweynaha JFS mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambayn sheegay in heshiiskan uu sidoo kale muhiim u yahay kobcinta dhaqaalaha iyo ka faa’iideysiga kheyraadka baluugga ah, waxa uuna hadalkaani jeediyay kadib markii uu saxiixay heshiiskaasi.

Dhinaca kale Dowladda Turkiye ayaa soo dhaweysay heshiiskaasi dhexmaray Soomaaliya iyo Turkiye, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda ay horgeeyaan heshiiskaasi Baarlamaanka Dalkaasi, si uu ansixyo, maadamaa uu horeyba u soo ansaxiyeen Labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, kadibna uu saxiixay Madaxweynaha Ummadda Soomaaliyeed.

Wargeysyo badan oo ka hadla arrimaha Shidaalka ayaa sheegaya in dowlad Carbeed ay ku soo biireysa dowladaha shidaalka dhoofiya dhammaadka sanadkan 2024-ka, taasi oo heysata keyd shidaal oo aad u fara badan, iyagoo ula jeeda Dowladda Soomaaliya, waxayna Wargeysadu badi  soo xiganayaan Wasiirka Tamarta iyo Batroolka Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo shirkadaha shidaalka ee dasneeya arrimaha soo saarista shidaalka, waxayna Wargeysyaduku tilmaameen in Soomaaliya ay hadda gacan ammaan ah ay gashay oo ay ku soo saran karto shidaalkeeda ceegaag gudaha Dhulka iyo Badda Soomaaliya.