Norwey oo sheegtay in ay ka go’an tahay ka mira-dhalinta wada hadallada Soomaaliya iyo Somaliland

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabbilsan arrimaha Somaliland mudane, Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa maanta kulan miro-dhal ah la qaatay Ergeyga Arrimaha wada hadallada iyo dib u heshiisiinta Dowladda Norwey  Ms. Heidi Johansen, iyagoo ka wada hadlay hannaanka ugu wanaagsan ee loo wajihi karo xal u helidda arrimaha Somaliland.

Mudane, Guuleed ayaa warbixin ka siiyay Ergeyga Norwey sida ay Dowladda Soomaaliya uga go’an tahay dib u billaabidda iyo dardargelinta wada hadallada Somaliland, waxaana uu la wadaagay in ay diyaar u yihiin wax kasta oo looga gun-gaarayo  arrimaha Somaliland.

Dhankeeda Ms. Heidi Johansen ayaa muujisay sida ay diyaarka ugu yihiin in ay Soomaaliya garab istaagaan xili kasta, sidoo kalana ay gacan ka geysan doonaan ka mira-dhalinta wada hadallada dowladda Soomaaliya iyo Somaliland.