Baydhabo- Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wasiirka Tamarta iyo mas’uuliyiin ka socda shirkad laga leeyahay Dalka Norway oo Baydhabo usoo gaaray Horumarinta Korontada.
Madaxweyne Laftagareen ayaa Wafdiga ka socday Dowladda Norway la wadaagay qorshaha ballaaran ee maamulka Koonfur Galbeed ku dooneyso in lagu horumariyo adeegyada tamarta iyo Haqabtirka Bahiyaha Koronto ee haysta Bulshada.