NIYAD SAMIDA GANACSIGA FURFURAN AYAA GUUL KEENA

Soomaaliya waa dal Qani ku ah Kheyraad badan balse aan laga faa’iideysanin goor hore, Nimcadda ALLAH SWT dalkani ku maneystay lama soo koobi karro laakiin u baahan daraasad dheeri ah ee ka Faaii’deysiga kheyraadkaasi dalka ceegaago.

Ganacsigu ma ahan keliya in la beegsado wax aan sidaa u sii ridneen oo lacag laga soo saaro balse danta guud tahay ganacsi tayo wacan leh xalaal ah sicir macquul ah dadka lagaga iibiyo. Ganacsigu marka ugu horeysaa waa in la yeesha la socod baahida Dalka iyo waxyaabaha ku xeeran, ayadoo maanka lagu haayo waxa markaasi laga heli karo dalka ama laga soo saari karo.

Galleyda, masaggada ama haruurka, Digirta,salbukada ama digirta cagaaran, khu daarta, furatada, saliidda macsarada iyo tan cadeyda oo laga soo saari karo Gabaldayaha’waa in laga maarma ka keenista waxyaabaha daruuriga ah ee wadan laga helo ama laga soo saari karo, waa in laga soo dejiyaa dekedda keliyo baahida dhabta ah ee bulshadu daneyso ama aan laga helin waddanka.

Muuska Soomaaliya oo ahaa kan ugu suuqa wacan dunida N.1aad kaga jirey Caalamka ayaa haatan ku yimid hoos u dhac weyn ee dhinaca tayada, soo saarkiisa iyo ka ganacsiga muuska intaba ee dibadda loo dhoofin jirey.

Haddii si fiican loo adeegsado labada webi ee shabeelle iyo jubba waxa markaasi laga jibba keeni laha soo saarka muus tayo leh.

Ganacsigii basasha iyo baradhada ayaa aad moodaa in soo saarkooda laga door biday in deriska laga keeno waa damiir la’an wax dalka laga heli karo in laga keeno meel kale.

Waxa dalka laga dhoofiyo ayaa waxa dhammaan qudaarta ay ka mid yihiin muuska, liinta, sisinta, kuwaasoo loo iibgeyn jirey qaar ka mida dalalka Yurub iyo Carabta, sidoo kalena Sonkorta oo laga soo saari jirey warshaddii Sonkorta ee jowhar iyo tii Mareerey.

Haddaba, ugu yaraan haddii dib loo soo celiyo Warshadihii dalka Qaarkood waxa soo muuqan lahaa kor u kaca dhaqaalaha dalka.

Markasta waa in ahmiyadda la saara waxa dibadda loo dhoofiyo oo markaasi baahida waddanka ka badan sida xoolaha nool, hargaha iyo saamaha,Muuska ,Xabagta, beeyada iyo Fooxaha.

dhoofinta dhuxusha iyo ka ganacsigeedu marna dan uguma jirto dalka xaalufka ku dhow, waa in markaasi ganacsiga dalku ku saleysnaada danta guud ee dalka iyo dadka oo laga baxaa waxa la soo marey sii socoshadeeda.

Ganacsigu waa in uu lahaada hab la socod wacan kontrool waxa dalka soo galayo sicirka lagu iibiyo iyo tayada alaabada ama badeecadahaasi lana canshuuraa taaso ah mid dal walba tariifo gaar ah u leh.

Rugta Ganacsigu waa mid kaalin kaga jirta soo bandhigidda iyo suuq-geynta ganacsiga waddanka inkastoo carwadii sanadlaha ahayd ay meesha ka baxday sidaaso oo ay tahay haddana waa mid u taal in guntiga dhiisha isaga dhignaa sidii kor loogu qaadi laha ganacsiga dalka ayagoo ka shidaal qaadanaya Wasaaradda Ganacsiga Dalka.

Arrintu si kastaba ha ahaatee waxa loo baahan yahay qorshe cad oo leys barbardhigayo waxa dibadda aan u iib geyno ganacsi ahaan iyo waxaa aan ka keeno waana mid muhiim ah si dalka u yeesho miisaan dhanka ganacsiga gobolka.

WQ: Ibrahim Abuukar Fanax