NISA oo howlgal qorsheysan ku dishay horjooge iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaannada Guulane iyo Al-Furqaan ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ku dilay horjooge iyo saddax maleeshiyo ah oo ka tirsanaa Khawaarijta, halka horjooge kalena lagu dhaawacay, iyada oo hawlgalku dhacay xilli ay kasoo baxeen kulan ku qabsoomay deegaanka Guulane.

Afarta dhagar-qabe ee la dilay waxa ay kala ahaayeen Cumar Siyaad Caraaye oo ahaa horjoogaha Khawaarijta u qaabilsanaa mid ka mid ah beelaha dega Gobolka Shabeellaha Dhexe, laba maleeshiyaad ah oo waday mootooyinka ay saarnaayeen horjoogeyaasha iyo dhagar-qabe kale oo ilaalo u ahaa.

Sidoo kale howlgalka waxaa lagu dhaawacay Cabdi Maxamed Nuur oo isna ka mid ahaa horjoogeyaasha Khawaarijta u qaabilsan dhinaca qabaa’ilka. Bartilmaameedyada waxaa si dirqi ah uga badbaaday Cabdullaahi Cali Caraaye iyo Cabdi Daalane oo qeyb ka ahaa horjoogeyaasha la beegsaday.

Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee NISA ay ku burburinayso horjoogeyaasha iyo shabakadaha Khawaarijta, laguna wiiqayo awooddooda abaabul iyo fulinta dhagarta ka dhanka ah shacabka Soomaaliyeed. Muwaadin, wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Khawaarijta Al-Shabaab iyo Daacish la wadaag NISA: 199 | 0770 747474 | 0620 545454.