NISA oo howlgal ka bilowday magaalada Dhuusamareeb

Ciidamada nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ayaa 48-kii saac ee ugu dambeeyay howlgalo amniga lagu xaqiijinayo ka bilaabay xaafadaha magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo ujeedkooda yahay in lagu hubiyo dhaq dhaqaaqyada gudaha iyo gaadiidka soo galaya ama ka baxaya magaalada.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkan ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in ujeedka baaritaanka uu yahay sidii looga hortagi lahaa cid kasta oo ku howlan carqaladeynta ammaanka caasimadda Galmudug iyo dhaqan gelinta awaamiirta wasaaradda amniga ee la xiriira xakameynta hubka sharcidarada ah.

Taliyaha ciidamada nabad sugida magaalada Dhuusamareeb Dhamme Najiib Xirsi dhoore iyo ku-xigeenkiisa Cabdisalaan Ciise oo kormeeray goobaha kala duwan ay ciidamada ka wadaan howlgalka ayaa bogaadiyay shaqada adag ay ciidamada bulshada u hayaan.

Ciidamada ayaa si gaar ah baaris ah ugu sameynaya guryaha si ay u ogaadaan dadka degan iyo haddii ay jiraan hub ay haystaan dadweynaha kuwaas oo aan ku jirin diiwaanka wasaaradda amniga Galmudug.