Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka NISA ayaa howlgallo qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaafay ay ka fuliyeen deegaannnada Qoordheere, Xawaala-kulan, Reydableey iyo magaalada Ceelbaraf oo dhammaantood ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaa lagu dilay ilaa 13 xubnood oo isugu jiray maleeshiyaad iyo horjoogeyaal ka mid ahaa Khawaarijta.
Howlgalka ka dhacay deegaanka Qoordheere oo hoostaga degmada Raagaceelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaa lagu beegsaday koox Khawaarij ah oo afartii maalin ee u dambeysay isku abaabulayey halkaas, iyada oo howlgalka lagu dilay ilaa afar xubnood oo Khawaarij ah, waxaana la burburiyay Teendhooyin iyo keyd hub ah oo ay ka sameysteen geedaha hoostooda.
Dhanka kale, inta u dhaxeysa deegaannada Xawaala-kulan iyo Reydableey ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaa laga hortagay maleeshiyaad ka tirsan argagixisada oo halkaas ka waday qorshe ay doonayeen in ay amniga ku carqaladeeyaan, waxaana isla goobta lagu dilay shan xubnood oo isugu jiray maleeshiyaad iyo horjoogeyaal.
Howlgalka seddexaad oo ka dhacay buurta Ceelbaraf oo dhinaca galbeed labo kiilomitir kaga beegan magaalada Ceelbaraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaa lagu bartilmaameedsaday koox kale oo Khawaarij ah oo maleegayay dhagaro argagixiso, ilaa afar maleeshiyaad ah ayaana halkaas lagu soo afjaray.